AF-SOOMAALI

Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntlandoolagusoo dhoweeyay caasimadda Muqdisho


Guddoomiyaha Gobolka Banaadi Cumar Maxamed Maxamuud “Cumar Filish” ayaa garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho ku oo dhoweeyay wafdi uu hoggaaminayo madaxweynaha Jubaland Md. Ahmed Maxamed Islaam “Axmed Madoobe” .
Wafdigaan ayaa waxaa ka soo horreeyay mid kale uu hoggaaminayay madaxweynaha Puntalnd Md. Saciid Cabdullaahi Deni, waxaana la qorsheynayaa iney kulan la qaataan Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Ujeeddada socdaalkooda wuxu ku saabsan yahay sida loo wajahi lahaa marxaladda kala guurka iyo hannaanka doorashooyinka Soomaaliya.

Jubaland iyo Puntalnd ayaan horay qeyb uga aheyn heshiiskii lagu gaaray Dhuusamareeb oo maamullada qaar iyo dowladda dhexe ay ku qaateen nooca doorashada Soomaaliya ay noqoneyso.