AF-SOOMAALI

Madaxweynaha Soomaaliya oo ka hadlay heshiiskii Itoobiya


Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo wareysi gaar ah siinayay TV Qaranka ayaa markii ugu horeysay faah faahin dheeraad ah ka bixiyay heshiiskii ay wada-gaareen Sabtidii aynu soo dhaafnay ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed oo Muqdisho booqasho ku yimid.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in asalka heshiiska labada dowladood ahaa mid saleynaa iskaashi, is-ixtiraan iyo ilaalinta Qarannimada, midnimada iyo madaxbanaannida labada dowladood, isaga oo bogaadiyay safarkii uu ra’iisal wasaare Abiy ku yimid Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in Soomaaliya sanadihii ugu danbeeyay wadamada dariska ah iyo guud ahaanba caalamka ay ka wada hadli jireen arrimaha Amniga, hasse ahaatee waxaa uu sheegay in Soomaaliya ay hadda soo gaartay heer lagala hadli karo dhaqaale, iskaashi ganacsi iyo maal-gashi taasoo qeyb ka aheyd sida uu sheegay socdaalkii ra’iisal wasaaraha Itoobya.

Mar uu soo hadal qaaday arrimaha dekeddaha leysku afgartay in la wada-maalgashado ayuu sheegay in arrintaa wax weyn ka tari doono kobcinta dhaqaalaha dalka, waxaana uu intaa ku darray in Afar dekeddood iyo ka badan ay jeclaan lahaayeen in maal-galin lagu sameeyo si loo faa’ideysto ayuu yiri xeebta dheer Soomaaliya ku teedsan oo ay maraan kumannaan Maraakiib ah.

Madaxweynaha waxaa uu meesha saaray in wararka sheegaya in dowladda Soomaaliyeed ku wareejisay dowladda Itoobiya Dekeddo Soomaaliyeed.

‘’Waxaa jiray Soomaaliya marka aad eegto dhaqan soo jireen ah oo ah hormar walba lugaha la qabto, dadkana ku baahiyo warar aan waxba ka jirin , dekeddo Soomaaliyeed oo Itoobiya lagu wareejiyay ma jiraan Dekeddaha Soomaaliya ayeey ku yaalaan, maal-gashigana dhinac walba ayuu ka iman karaan, caalamka oo dhan ayaa ka qeybqaadan kara ganacsatada Soomaaliyeed ayaa ka qeybqaadan karta, laakiin muhiimadu waxaa ay tahay Afar Dekedood oo kaliya ma’aha xitaa haddii aan ka badan heli karno wey waagsan tahay, waayo waxaa ay taa qeyb ka qaadan kartaa kobaca dhaqaalaheena’’ ayuu yiri madaxweyne Farmaajo.

Madaxweynaha ayaa sheegay in maalgashiga uu u sahli karo dekeddaha Soomaaliya in ay noqdaan kuwo la tartami kara kuwa caalamka awoodna u yeelan karaan in ay ku soo xirtaan Maraakiibta waaweyn.

Hadalka madaxweynaha ayaa imanaya xili maalmihii ugu danbeeyay hadal heyn la xiriirta heshiiska labada dowladood iyo arinta ku saabsan dekeddaha lagu heshiiyay in la maalgalinayo siweyn dadku iskula dhaxmarayeen.