GLOBAL NEWS

Wa in degdeg la joojiya dagallada gobollada Hiiraan, Shabellada Hoose iyo gobollada dhexe


Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh ayaa maanta ku baaqay in la joojiyo colaadaha kasoo cusboonaaday gobollada Hiiraan iyo Shabeellada Hoose ee Bartamaha iyo Koonfur Somalia, dhinacyada dagaallamayana ugu baaqay inay si nabadgalyo ay ku jirto ku xalliyaan khilaafkooda.

Xasan Sheekh ayaa si kulul u cambaareeyay dagaal beeleedka magaalada Baladweyne ka socda maalintii labaad, kaasoo uu ku tilmaamay mid lagu waxyeeleynayo dadka shacabka ah.

“Dhowr jeer oo hore ayaan u sheegay inaan marnaba la aqbali karin in shacabka dib loogu celiyo dagaal sokeeye oo micno la’aan dhiig loo daadiyo. Waana in sida ugu dhaqsiyaha badan loo joojiyaa, qolyaha diriraya ay ku xisaabta ku darsadaan in lala xisaabtamayo. Cid walba oo dhiiga shacabka daadisana waxaa la hor-keenayaa sharciga, mana jiro ruux ka sarreeya sharciga oo la iska eegan doono isagoo dagaal sokeeye hurinaya,’’ ayuu Xasan Sheekh ku yiri warbixin uu soo saaray maanta.

Madaxweynaha Somalia ayaa faray ciidamada dowladda iyo maamulka gobolka Hiiraan oo kaashanaya qaybaha bulshada inay deg-deg colaaddaas u joojiyaan, khilaaf kasta oo jirana wadahadal lagu dhammeeyo.

Sidoo kale, madaxweyne Xasan ayaa baaqay shacabka gobolka Hiiraan inay ka shaqeeyaan nabadda, degaannadoodana u diyaariyaan dhismaha maamulka cusub ee gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, si loo dedejiyo barnaamijka baahinta xukunka iyo adeegyada Aas-aasiga ee bulshada.

Dhanka kale, madaxweyne Xasan Sheekh ayaa nasiib-darro ku tilmaamay dagaalada kasoo cusboonaaday gobolka Shabeellaha Hoose ee Koonfurta Somalia; isagoo yiri. “Soomaaliya nabad ayay u ooman tahay, mana jirto sabab shacabka dib loogu celiyo dagaal sokeeye oo micno-darro dhiig loo daadiyo. Waana in deg-deg loo joojiyaa dagaalladaas, dhinacyada ku lugta lehna ay ogaadaan in lala xisaabtamayo.’’

Madaxweynaha ayaa faray ciidamada dowladda iyo maamulka Koonfuur-galbeed Somalia oo kaashanaya qaybaha bulshada inay dhaqso colaadaas u joojiyaan, khilaaf kasta oo jirana wadahadal lagu dhammeeyo.

Ugu dambeyn, madaxweyne Xasan Sheekh ayaa hadalkiisa kusoo gunaanaday in gobolka Shabeellada Hoose ay hor-yaallaaan hawlo adag, sida dagaalka gobolka looga sifeynayo haraaga Al-shabaab iyo adeegyada aasaasiga lagu baahiyo degaannadaasi, xilliganna aan loo baahneyn colaad shacabka dhexdiisa ah.