AF-SOOMAALI

Madaxweynaha Somalia oo si rasmi ah u saxiixay Sharciga fasaxaya furashada Axsaab Siyaasadeed


Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Maanta si Rasmi ah u saxiixay sharciga Asxaabta siyaasada dalka, kaasoo ogolaanaya furashada xisbiyo siyaasadeed iyo inay si sharci ah dalka uga hawl-geli karaan.
Xafladdii saxiixa sharcigan oo ka dhacday xarunta madaxtooyada Soomaaliya, ayaa waxaa ka qayb-galay guddoomiyaha baarlamaanka, ergeyga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, Xildhibaanno iyo Mas’uuliyiin Matalayay Xisbiyada Siyaasadeed ee Waddanka ka jira.
Saxiixa kaddib, ayuu Madaxweynuhu sheegay in sharcigaan uu yahay tallaabo kale oo loo Qaaday dhinaca Horumarka iyo Dowlad-wanaagga, Wuxuuna uga mahad-celiyey xubnaha Baarlamaanka Somalia waqtigii ay geliyeen sidii ay u meel-marin lahaayeen Sharcigaan.
“Waxaan xildhibaanada iyo guddoonka Baarlamaanka Federeaalka Soomaaliya uga Mahad-celinayaa dadaalka ay geliyeen sidii ay Sharcigan u Meel-marin lahaayeen, ugu dambeynna si rasmi ah aan maanta u Saxiixay, si uu u noqdo mid dhaqan-gal ah,” ayuu goobtaas ka yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.
Madaxweyne Xasan, ayaa xusay in sharcigaan uu ka mid yahay sharciyada ugu muhiimsan ee baarlamaanku ay meel-mariyeen, wuxuuna tilmamaay inuu yahay mid muhiimad gaar ah u leh Dimuqraadiyadda cusub ee Soomaaliya.
Dhanka kale, Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka iyo madaxda Xisbiyada qaarkood, ayaa iyaguna sheegay in ay soo dhaweynayaan Saxiixa uu maanta Madaxweyne Xasan Saxiixay sharcigan, iyagoo ku tilmaamay tallaabo horay loo qaaday.
Ugu dambeyn, Sharciga furshada xisbiyada siyaasadeed ayay xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya waxay meel-mariyeen horraantii bishii Juun ee Sannadkan 2016, kaddib markii ay ka doodayeen muddo dheer.