GLOBAL NEWS

Madaxweynaha Somalia oo mar kale Magacaabay Guddiga Heer Federaal ee Doorashada 2016-ka


Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sh. Maxamuud, ayaa Xeer uu soo saaray ku Magacaabey Guddiga Doorashooyinka Dadban ee Heer Federaal oo dib u habeyn kooban lagu sameeyay xubnihiisa.

Guddigaan, ayaa wuxuu ka kooban yahay 22 xubnood oo Magacyadooda ay hoos ku xusan yihiin:

  1. Cumar Maxamed Cabdulle
    02. Mustaqiim Wayd
    03. Maxamed Kaynaan
    04. Saciid Jaamac Cali (Qoorsheel)
    05. Nafisa Geeddi Santuur
    06. Maxamed Cali Diiriye
    07. Cabdiraxmaan Sheekh Mucaawiye
    08. Deeqa Yaasiin Xaaji Yuusuf
    09. Saciido Maxamed Musciid
    10. Aweys Abuukar Sokorow
    11. Sahra Cabdi Xuseen Jaamac
    12. Burhaan Cilmi Xirsi
    13. Cabdicasiis Sheekh Xuseen Dayib
    14. Cabdulllaahi Cali Aadan Garoon
    15. Salaad Cali Ibraahim Catoos
    16. Aadan Cabdinaasir Maxamed
    17. Cabdullaahi Salaad Yarow
    18. Yaasiin Cabdi Jaamac
    19. Axmed Maxamed Saciid
    20. Fardowsa Maxamed Ducaale
    21. Aamina Cabdullaahi Dheeroow
    22. Raaxo Maxamed Janaqow

Dhanka kale, Waxaa qoraalka lagu sheegay in la baabi’iyay xeer kasta oo kan ka horreeyay kana hor-imaanaya Magacaabidda cusub ee Guddigan Heerka Federaal ee Doorashooyinka Somalia ee Sannadkan.

Ugu dambeyn, Guddigaan waxaa hawshiisu noqon doontaa dejinta qorshe hirgelin oo faah-faahsan, Jadwalka Doorashada iyo inuu ku dhawaaqo Taariikhda ay Doorashooyinka 2016-ka dhacayaan.