AF-SOOMAALI

Madaxweynaha Somalia oo Baaq kasoo Saaray Geedi-socodka Doorashooyinka 2016 iyo Amniga


Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Maanta go’aan kasoo saaray Geeddi-socodka Doorashada 2016-ka kana hadlay amniga Doorashada, isagoo Shacabka Soomaaliyeed ugu Baaqay in ay si buuxda isugu Diyaariyaan, kana qayb-qaataan Doorashooyinka la filayo inay Dalka ka dhacaan dhawaan.
Xasan Sheekh, ayaa xusay in Dowladda Federaalka iyo Maamul-goboleedyada ay ka go’an tahay in doorashada labada aqal (Aqalka Sare iyo Aqalka Hoose) iyo mida Madaxweynaha ku dhacaan Waqtigii loogu Talo-galay, sida ku caddeyd soo jeedinta Guddiga Federaalka ee Hir-gelinta Doorashooyinka Dadban, laguna ayidey baaqii madasha Hogaamiyeyaasha DFS iyo maamul-goboleedyada dalka ee 09-kii Agoosto 2016-kii lagu qabtay Muqdisho.
“Guddiyada Doorashooyinka Dalka ee Heer Federaal iyo Heer Maamul-goboleed, waa inay si cadaalad ah oo hufan u maamulaan doorashooyinka 2016-ka, Shacabka iyo mas’uuliyiinta Soomaaliyeedna – waxaa looga fadhiyaa in ay la garab-is-taagaan Taageerada ay uga baahan yihiin,’’ ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Sidoo kale, Madaxweynuhu wuxuu si gaar ah u xusay Muhimada ay leedahay in fursaddaan Taariikhiga ah laga faa’iideysto, isagoo yiri. “Dalkeennu wuxuu galayaa marxalad taariikhi ah, sidaa daraadeed waxaan farayaa Shacabka Soomaaliyeed oo dhan, Dowladda Federaalka iyo maamul-goboleedyada, in laga wada shaqeeyo sidii loo xaqiijin lahaa in doorashooyinka ay u dhacaan si Hufan leh, iyadoo la raacayo Nidaamka iyo habraaca ay dajiyeen guddiyada Dooorashooyinka.’’
Madaxweynaha Somalia ayaa wuxuu kaloo xusay in si dalka uu u xajisto guulaha uu gaaray, ayna lagama maarmaan tahay in Muhiimad gaar ah la siiyo Maslaxadda iyo danta Qaranka, lagana dhawrsado eex, goboleysi iyo nin jecleysi.
Xasan Sheekh ayaa dhanka kale Beesha Caalamka ugu baaqay inay doorkooda ka cayaaraan xaqiijinta in doorashada 2016-ka ee Soomaaliya ay noqoto kuwo u dhaca si ay Cadaalad iyo kalsooni ku jirto, Isagoo yiri. “Waxaan Beesha Caalamka, Gaar ahaan QM, Dowladaha aanu saaxiibka nahay, ururrada caalamiga iyo Goboleedyada ugu baaqeynaa inay si buuxda ugala shaqeeyaan shacabka Soomaaliyeed Dar-dar-gelinta Geeddi-socodka Doorashooyinka, ayna soo dadajiyaan Taageerada Maaliyadeed, iyagoo tixgelin siinaya jadwalka doorashooyinka.”
Qaramada Midoobay ayuu Madaxweynuhu ugu baaqay in ay Doorkeeda Caalamiga ah ee kaga beegan Fulinta Hawlaha Doorashooyinka Sannadkaan iyo Taakuleynta looga baahan yahay ka qaadato Doorashooyinka 2016-ka ka dhacaya Soomaaliya iyo inay guddiyada iyo shacabka Soomaaliyeed kala shaqeyso sidii ay doorashadu u noqon lahayd mid najaxda, una noqon lahaayeen kuwo daah-furan oo ku saleysan cadaalad & saami-qaybsi loo dhan yahay.
Dhanka kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Ummadda Soomaaliyeed ugu baaqay in ay ka shaqeeyaan Nabadda Guud ee Dalka, gaar ahaan waqtigan xasaasiga ah ee Doorashada. Isagoo yiri. “Cadowga wuxuu xaqiiqsaday in Somalia ay hore u dhaqaaqday, shacabkuna ay cagta saareen Waddadii Nabadda, Horumarka iyo Barwaaqada. Haddaba Cadowgaas isagoo ka xun guulahaasi la gaaray, wuxuu isku dayi doonaa inuu carqaladeeyo doorashooyinka iyo wax walba oo dan u ah ummadda. Sidaa darteedna waa in loo midoobaa sidii looga hor-tegi lahaa,’’ ayuu yiri Madaxweynaha Soomaaliya.
Wuxuu kaloo madaxweynuhu ugu baaqay qeybaha bulshada rayidka, warfaafinta, culumada iyo Aqoon-yahannada in ay Shacabka iyo Dowladda kala Qayb-qaataan sidii loo Sugi lahaa Amniga Goobaha Doorashooyinku ka dhacayaan.
Ugu dambeyn, Madaxweynaha Somalia ayaa ugu baaqay laamaha Ammaanka ee Dowladda Federaalka Somalia, kuwa maammul-goboleedyada iyo AMISOM inay si buuxda u dar-dar-geliyaan fulinta hawlahii lagu dhammeystiri lahaa sugidda amniga dalka, gaar ahaan amniga cod-bixiyeyaasha, Musharraxiinta, Maamulayaasha iyo Kormeerayaasha doorashooyinka ee ku sugan goobaha doorashooyinka.