GLOBAL NEWS

Madaxweynaha Puntland oo ku baaqay in dadkii ay dabeyluhu saameeyeen lala Gaaro Kaalmo


Madaxweynaha Puntland, C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa ka hadlay dabylo dhawaan ku dhuftay deegaanno ka tirsan Puntland, kuwaasoo khasaare hantiyeed geystay.

Gaas oo warbaahinta kula hadlay magaalada Garoowe ee gobalka Nugaal ayaa sheegay in marka hore ay ka xun yihiin dhibaatada soo gaartay dadka ku nool deegaannada xeebaha Bari ee Puntland ku yaalla.

Sidoo kale, Gaas ayaa tilmaamay inay dumeen guryo badan oo gobalada Bari iyo Gardafuu oo ay dabeyluhu saameyn xooggan ku yeesheen, isagoo si gaar ah ugu baaqay hay’adaha in la caawiyo dadka ay dhibaatadu soo gaartay.

“Dabaylihii ku dhuftay Gardafuu iyo Bari waxay khasaarooyin kala duwan soo gaarsiiyeen xarumo u badan kuwo bulshada loogu adeego iyo guryo dadku ay deggenaayeen, waxayna saameeyn ku yeesheen isbitaallo, iskuullo iyo xarummo kale oo dadka loogu adeegi jiray,” ayuu yiri C/weli Gaas.

Madaxweynaha Puntland ayaa sidoo kale ka codsaday shacabka Soomaaliyeed iyo Beesha Caalamka inay kaalin xooggan ka qaataan gurmadka loo fidiyo shacabka ay saameynta ku yeesheen dabeylahan ku dhuftay deegaannada Puntland.

Deegaano ku yaala xeebaha bari ee Puntland waxaa dhawaan ku dhuftay dabaylo xooggan, kuwaasoo sababay burburka guryo, waxaana deegaanadaas ka barakacay dad fara badan, iyadoo ay jiraan kumannaan ruux oo halkaas ku go’doonsan.

Ugu dambeyn, dabeylahan ayaa imaanaya iyadoo laga baqdin qabo in Soomaaliya ay ku dhuftaan roobab dabeylo wata oo lagu magacaabo El Nino, kuwaasoo la sheegay inay sameeyn ku yeelan karaan dadka ku nool deegaannada Somalia ee ay maraan webiyada.