GLOBAL NEWS

Madaxweynaha Puntland oo Garowe kula shiray Cali Max’ed Geedi & C/weli Sh. Axmed


Madaxweynaha Puntland, C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta la kulmay siyaasiyiin xilal kasoo qabtay xukuumadihii Somalia soo maray oo ay ku jiraaan Cali Maxamed Geeddi iyo C/weli Sheekh Axmed oo labadu horey RW-yaal kasoo noqday Soomaaliya.

Labadan mas’uul ayaa shalay kasoo dagay garoonka diyaaradaha ee magaalada Gaalkacyo ayaa ka kala yimid magaalooyinka Muqdisho iyo Baydhabo sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan madaxtooyada Puntland.

“Waxaan idin kaga mahadcelinayaa inaad Puntland timaadeen, waana ognahay inay idinku weyn tahay Soomaalinimada,“ ayuu yiri C/weli Gaas oo ka hadlayay booqashada Ra’iisul Wasaarayaashii hore ee Soomaaliya.

Cali Maxamed Geeddi oo dowladdii Madaxweyne C/llaahi Yuusuf kasoo noqday Ra’iisul Wasaare ayaa ka mahad-celiyay soo dhaweynta diirran ee lagu sameeyay Magaalooyinka Gaalkacyo iyo Garoowe.

Sidoo kale, Xubnaha soo gaaray magaalada Garoowe ayaa waxaa ku jira Salaad Cali Jeelle oo isagana horay isugu soo taagay doorashada madaxtinimada Sooomaliya iyo madax kala duwan oo qaarkood xilal ka soo qabtay dowladihii dalka soo maray.

Ugu dambayntii, mas’uuliyiintan ayaa Puntland u yimid ka qayb-galka xaflada furintaanka garoonka diyaaradaha ee magaalada Bosaaso oo sideedda bishan la qabanayo, iyadoo sidoo kale ay goob-joog noqon doonaan wakiilo ka socda diyaarado caalami ah,kuwaasi oo lagu wado in ay adeegsadaan garoonka Bosaaso.