AF-SOOMAALI

Madaxweynaha oo gaaray Jowhar furayna shirka lagu dhisayo Maamulka Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe


Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh iyo Wafdi uu Hoggaaminayo, ayaa gaaray maanta Magaalada Jowhar ee Gobolka Shabeellada Dhexe, isagoo furay Shirka lagu dhisayo maamulka Gobollada Hiiraan iyo Shabeellada dhexe oo uu Jah-wareer soo food-saaray muddooyinkii dambe.

Shirka dhismaha maamulka Gobolladan ayaa waxaa ka qayb-galaya mas’uuliyiin ka tirsan labada gole ee Dowladda FS iyo Odayaasha Labada Gobol ee Maamulka loo Sameynaayo, inkastoo duubabka dhaqanka Gobolka Hiiraan ay intooda badan ka soo horjeesteen shirkan.

Wasiir-u-dowlaha Wasaaradda Maaliyadda XF Somalia, Guddoomiyaha Shabeellada Dhexe, qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka ayaa xafladda furitaanka shirkaan ka jeediyay hadallo.

Madaxweynaha Soomaaliya, oo shirka khudbad ka jeediyay ayaa ka hadlay Ahmiyadda uu leeyahay in la helo Maamul ay ku Mideysan yihiin Gobolada Hiiraan & Shabeellada Dhexe, isagoo xusay in loo baahan yahay in la isku tanaasulo, isla markaana la is-kaashado.

“Dowladda Federaalka Doorkeedu Waa fududeeye, sharciyeeye iyo in Goob-joog ka ahaato Dhismaha maamulka labadan gobol, qofkii aan rayiga dadka kale Tixgelinna ogaada kiisana lama qaadanayo,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan, Wuxuuna intaas ku daray in in odayaasha dhaqanka labada gobol – looga baahan yahay inay isi saaraan mas’uuliyad oo aysan jirin cid xaqeeda la duudsiin doono.

Sidoo kale, Madaxweynaha Somalia ayaa xusay in wax kasta oo la Billaabayo ay Dhibaato badan leeyihiin, hase yeesheen loo baahan yahay in la isku dulqaato, wuxuuna tusaale u soo qaatay dhibaatooyinkii laga soo maray dhismaha maamullada hadda ka jira dalka.

“Talada idinka ayaa iska leh… Reer Hiiraan iyo Reer Shabeellada Dhexe haddii aad tihiin, waqti badan ayaa idin ka lumay, maamulkiinna dhista oo ka qayb-gala talada dalka,” ayuu khudbadiisa mar kale ku yiri Madaxweynaha Soomaaliya.

Dhanka kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay in sida dadka qaar ay aamisan yihiin in madaxweynuhu uu dan gaar ah ka leeyahay in la dhso maamulka labadan gobol, isagoo hadalladaas ku tilmaamay kuwo aan raad iyo sal lahayn.

Ugu dambeyn, Madaxweynaha ayaa xusay in Dowladda Federaalka ay mas’uul uga tahay dhismaha maamulkan Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka oo gacan ka helaysa Urur-goboleedka IGAD oo hawshan fududeeye ka ah.

Si kastaba ha ahaatee, Bishii August ee 2015-kii, ayaa Muqdisho lagu saxiixay hin-disaha maamulka wadajirka ah loogu dhisayo Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe, balse caqabado badan ayaa ka hor-yimid dhismihiisa. Iyadoo dib u furiddiisa maant ay ku timid markii madaxda IGAD ay Dowladda Federaalka ugu baaqeen inay si dhaqso ah ku soo dhisto maamulka labadan gobol.