GLOBAL NEWS

Madaxweynaha Maamulka Puntland oo Muqdsho kaga Qayb-galaya shir Muhiim ah


Madaxweynaha Puntland, C/weli Maxamed Cali Gaas iyo xubno ka tirsan golayaasha maamulka Puntland ayaa maanta ka anbabaxay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, iyagoo ku sii jeeda magaalada Muqisho.

“Waxaan aniga iyo madaxda ila socotoba aan u tagaynaa Muqdisho ka qayb-galka shir muhiim ah oo looga hadlayo doorashooyinka dalka ka qabsoomi doona sanadkan 2016-ka,“ ayuu yiri madaxweynaha Puntland oo warbaahinta kula hadlay Gaalkacyo ka hor intii uusan dhoofin.

“Mowqifka Puntland ee shirkan wuxuu noqonayaa mid ay dani igu jirto shacabka Puntland iyo waliba umadda kale ee Soomaaliyeed “ ayuu mar kale yiri madaxweynaha oo aan faah-faahin dheeri ah ka bixin waxa uga qorshaysan shirkaas.

Qaar ka mid ah golaha wasiirada Puntland, maamulka gobolka Mudug iyo dadweyne tiro ah ayaa madaxweynaha ku sagootiyay garoonka diyaaradaha ee magaalada Gaalkacyo, iyadoo si weyn loo adkeeyay amniga.

Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa ku biiri doona madaxda ka qayb-galaysa shirkan looga tashanayo mustaqbalka Soomliya ,waxaana lagu wadaa in ay goob-joog ka noqdaan xubno matalaya dowladaha daneeya arrimaha Soomaaliya.

Ugu dambeyn, shirkan oon ahayn kii ugu horeeyay oo lagu qabto gudaha Somaliya ayaa sidoo kale waxaa ka qayb-gali doona madax ka socota maamulada Jubbaland, Gal-Mudug iyo waliba Koofur Galbeed.