AF-SOOMAALI

Madaxweynaha Jubbaland oo sheegay in uusan aaminsaneyn nidaamka federaalisamka


Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam [Axmed Madoobe] ayaa isaga oo ku sugan magaalada London sheegay in uusan aaminsaneyn nidaamka federaalisamka iyo in Soomaaliya ay yeellato madaxweynayaal farro badan.

Hadalkan ayuu ka hor sheegay Axmed Madoobe kulan xalay madaxda Soomaalida ay la qaateen Jaaliyada Soomaaliyeed ee UK, waxaana kulanka sidoo kale joogay madaxweynayaasha dowlad gobolleedyada, Puntland, Koonfur galbeed, Hirshabeelle iyo Galmudug.

‘’Waxaa laga hadlaa inta badan State-yo iyo madaxweyneyaal faro badan, Aniga shaqsiyan waxaan ahay dadka aan rumeysneyn Fadaraalisamka, ‘’ ayuu yiri madaxweyne Axmed Madoobe.

Hasse ahaatee in nidaamkan la qaato ayuu ku tilmaamay arin ay daruuf keentay, balse aysan ku qanacsaneyn Soomaalida in dalka uu yeesho madaxweynayaal farro badan.

Axmed Madoobe ayaa sheegay in Soomaalida aysan micno badan u sameyneynin shirarka hadba lagu qabanyo wadamada shisheeye, hasse ahaatee sida uu hadalka u dhigay waxa micnaha badan sameynaya tahay waxa Soomaalida dhaxdeeda la timaado.

Waxaa uu ugu danbeyntii, sheegay in Soomaalida ay ka gudbin doonto nidaamkan iyo madaxweynayaasha tirada badan, isaga oo Jaaliyada Soomaalida kula dardaaramay in arintaa ay ka wada shaqeeyaan.