AF-SOOMAALI

Madaxweynaha Jubbaland oo qaabilay Nicklos Kay


Madaxweynaha Dowlada Jubbaland Sayid: Axmed Maxamed Islaam waxaa uu maanta qasriga Madaxtooyada kulan kula qaatay Wakiilka Xog-hayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Nikolas Kay oo goor hore oo saaka ah soo gaadhay Magaalada Kismaayo ee Caasimada KMG ah ee Dowlada Jubbaland.

Kulankan oo Ahaa Mid gaar ah ayaa waxaa labada Masuul ay kaga wada hadleen Khilaafka ka dhex taagan Dowlada Jubbaland iyo Dowlada Federaalka ah waxaana la isku afgartay in Bisha July ee soo socota la isugu Yimaado Shir gaar ah oo ay yeelanayaan Madaxda Dowlad Goboleedyada iyo Madaxda Dowlada Federaalka ah inkasto laga yaabo in kahor shirka Xamar uu Madaxweynaha Dowlada Federaalka ah uu Yimaado Magaalada Kismaayo.

Hoos ka Daawo Sawirada.

IMG_0585 IMG_0601 IMG_0541