AF-SOOMAALI

Madaxweynaha Jubaland: Qeybsiga Khayraadka waxaa ku jirta Nolosha dhan ee Wadanka


Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubaland Mudane Axmed Max’ed Islaam oo shalay khudbad dhinacyo badan taabaneeysa ka jeediyay xiritaankii kalfadhigii 3-aad ee baarlamanka Jubaland ayaa ka hadlay arimo ku saabsan qeybsiga khayraadka dalka.

Waxa uu sheegay in madaxda dowladda Soomaaliya iyo kuwa dowlad goboleedyada ay marar badan ka wada hadleen arimo ku saabsan qeybsiga khayraadka iyo in wax la isku ogaado, isagoo sheegay in ay muhiim tahay in hab lagu wada qanacsanyahay loo qeeybsado khayraadka.

“Maanta hadii la yiraahdo inta noo muuqato intaan isku adkeeyno niraahno annaga cidina wax nala qeybsan meeyso oo baddiina way noogu taalaa, beertiina waa tan, xoolana way noo joogaan, waxba nooguma hagaagayaan,” ayuu hadalkiisii raaciyay.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa sheegay in loo baahanyahay in la dajiyo siyaasad ayadoo qofna loogu hiilineyn.

Waxa uu sheegay in mar walba ay lagama maarmaan tahay in madaxda dowladda iyo kuwa dowlad goboleedyada ay dhex marto wada shaqeyn, islamarkaana la iska tala galiyo tallaabooyinka la qaadayo.
“Waxaa ka fiican in wax walba la isaga yimaado oo loo diro dad yaqaan , taa macnaheedu waxay noqon doontaa in dalkan horumar gaaro,” ayuu hadalkiisii raaciyay.

Dhanka kale, Madaxweyne Axmed Max’ed Islaam oo soo hadal qaaday Miisaaniyadda ay ansixiyeen baarlamanka ayaa sheegay in qoondada Jubaland ee la ansixiyay ee ay wasaaradda maaliyaddu gudbisay in ay tahay lacago ay bixiyaan hay’addo ay kamid yihiin SSF iyo World Bank, islamarkaana uu aaminsanyahay in ay dowladdu wax badan ka ogeyn. Waxa uu sheegay in ay dowladda ka codsanayaan in qarashaadka ay Jubaland qoondada u heshay lagu soo simo, halka ay soo mari lahaayeen hay’ado.