AF-SOOMAALI

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya oo u Hambalyeeyay Madaxweynaha Turkiga


Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed “Farmaajo” ayaa u hambalyeeyay Madaxweyne Erdoğan iyo Shacabka Turkiga kadib markii xisbiga madaxweyne Erdogan uu ku guuleystay aftidii laga qaaday shacabka dalkaasi.

Madaxweyne Farmaajo ayaa khadka teleefoonka kula hadlay dhigiisa Turkiga Recep Tayyip Erdoğan.

Madaxweynaha ayaa ugu horreyn ugu hambalyeeyay Madaxweyne Erdoğan iyo Shacabka Turkigaba natiijada aftida dhacday maalintii Axadda 17 April 2017, taas oo ay shacabka Turkigu si aqlabiyad ah ugu codeeyeen nidaamka siyaasadeed ee dalka.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale u sheegay dhiggiisa Mudane Erdoğan in natiijada aftidu ay sii xoojin doonto cilaaqaadka ka dhexeeya labada dal iyo iskaashiga labada dhinac.

Labada Madaxweyne ayaa si kooban ugu wadahadlay sidii loo sii xoojin lahaa xiriirka labada dal, iskaashiga dhinacyada badan iyo taageerada arrimaha bini’aadannimo oo ay Dowladda Turkigu u fidisay bulshada Soomaaliyeed ee ay abaaruhu saameeyeen.

Natiijadii Aftida:

Natiijada aftidii doorashada ee madaxweynaha Turkiga awoodaha cusub siinaysa waa sharci, sida uu sheegay gudoomiyaha gudiga doorashada ee dalkaas.

Xisbiga madaxweyne Erdogan ayaa helay 51.37% halka garabka mucaaradkuna ay ka heleen boqolkiiba 48.63 guud ahaan codadkii la dhiibtay.

Maxaa ku qoran dastuurka cusub?

Dastuurka cusub waxa uu dhigayaa in doorashada madaxweynaha iyo tan baarlamaanka xigta la qaban doono 3 nofeember 2019.

Madaxweynaha waxa uu dalka ka talin karaa laba xilo doorasho oo min shan sano ah.

Madaxweynaha ayaa si toos ah u soo magacaabi doono wasiirada iyo saraakiisha sarsare.

Wuxuu sidoo kale magacaabi karaa madaxweyne ku xigeena dhowr ah.

Waxaa meesha laga saari doonaa xilka ra’iisalwasaaraha oo uu hadda hayo Binali Yildirim.

Madaxweynaha wuxuu awood u lahaan doonaa inuu faragelin ku sameeyo waaxda caddaaladda oo uu Erdogan horay ugu eedeeyay inay u janjeeraan dhinaca wadaadka Fetxullahi Gulen.

Madaxweynaha ayaa ku dhawaaqi karo xaalad deg deg ah.