AF-SOOMAALI

Madaxweynaha iyo wakiilada beesha caalamka oo aan tagin munaasabadii dhaarta xildhibaannada


Munaasabada maanta dhacday ee dhaarinta xildhibaannada oo muhiimad gaar ah u laheyd geedi socodka doorashada Soomaaliya ayeey dad badan u arkayeen mid maqaam sare leh oo ay ka soo qeybgali doonaan madaxda ugu sareysa Qaranka iyo wakiilada beesha calaamka ka jooga Soomaaliya oo aan maanta intooda badan ka soo muuqan.

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xassan Sheekh Max’uud iyo inta badan wakiilada beesha calaamka ee safaaradaha ku leh Soomaaliya ayaan maanta tagin goobta doorashada, marka laga reebo ra’iisal wasaaraha xukuumada federaalka Cumar C/rashiid Cali Sharm’arke iyo guddoomiyihii hore ee baarlamaanka Prof Max’ed Cismaan Jawaari oo labadaba ka mid ahaa xildhibaannadii maanta la dhariyay.

Lama oga sababta ay uga baaqdeen madaxweynaha iyo wakiilada kale ee beesha caalamka, gaar ahaan danjiraha QM ee Soomaaliya Micheal Keating oo marar badan oo hore qoraalo ka soo baxay xafiiskiisa ku dhaliilay habka ay u socdaan doorashooyinka Soomaaliya.

Qoraalkii ugu danbeeyay ee wakiilada beesha caalamka ee maanta soo baxay ayaa ka hor yimid go’aankii ugu danbeeyay ee madasha wada tashiga ee kuraasta dheeraadka ah lagu kordhiyay xubnaha aqalka sare, iyaga oo ku taliyay in loo daayo tirada kuraasta xubnaha aqalka sare 54 xubnood sida uu dhigayo dastuurka.

Siddoo kale, war-saxaafadeedka ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in xildhibaanno la tuhusan yahay sida ay ku soo baxeen loo ogolaado in ay ka mid noqdaan fadhiyada baarlamaanka, taasoo ah ayeey ku sheegeen arin u hiilineysa musuq maasuqa iyo xadgudubyadii doorasho ee dhacay.

Ugu danbeyntii, Tani waxaa ay muujineysa in safiirada iyo wakiilada beesha caalamka ka jooga Soomaaliya la dhacsaneyn geedi socodka doorashada iyo guud ahaanba qaban-qaabada munaasbada dhaarinta xildhibaannada xili wali dood weyn ay ka taagan tahay kuraas leysku heysto oo aan laga gaarin go’aan kama danbeys ah.