AF-SOOMAALI

Madaxweynaha DF oo Shacabka Soomaaliyeed u Jeediyay Baaq ku Aaddan Doorashada 2016-ka


Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa baaq ku Aaddan Doorashooyinka dhacaya Sannadkan 2016-ka u diray Qaybaha Bulshada Soomaaliyeed iyo Beesha Caalamka.

Baaqan ayuu Madaxweynuhu ku sheegay, in Dalku uu ku jiro Marxalad kala-guur ah, loona baahan yahay Shaqaalaha laamaha kala duwan ee Dowladda inay Dar-dar-geliyaan fulinta Waajibaadkooda shaqo.

“Waxaan u mahad-naqayaa dhammaan shaqaalaha Dowladda oo iyagoo ku shaqeynaya duruufo Adag, haddana aan marnaba ka daalin inay Qarankooda si daacad ah ugu Adeegaan. waddanku doorashooyin ayuu galayaan dhawaan, guddiyo iyo hay’ado mucayin ah ayaana hawsha qaban doona. Sidaa darted waxaan shaqaalaha ka codsanayaa inaanay siyaasadda iyo Doorashooyinka ku mashquulin, laakiin ay waqtigooda geliyaan dhismaha waddanka iyo u Adeegidda shacabka,’’ ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa mas’uuliyiinta iyo Shaqaalaha Dowladda FS faray inay ilaaliyaan hantida Qaranka.

Madaxweynaha ayaa dhanka kale, waxaa uu ugu baaqay hay’adaha amniga inay si buuxda kaalintooda uga qaataan sugidda Amniga ee marxaladda kala guurka iyo amniga doorashooyinka ee goobaha kala duwan ee waddanka.

“Marka laga soo tago waajibaadka laamaha amniga, waxaa kale oo hirgelinta doorashadan door ku leh odayaasha dhaqanka. Waxaa oday-dhaqameedka laga doonayaa inay maskaxda ku hayaan in sanadkan ay doorashada dhacaysa ka yara sarreyso tii hore, maadaama wax la kala dooranyo, Tiro mucayin ah oo shacabka ka mid ahna ay codkooda dhiiban doonaan. Waxaan kaloo ugu baaqayaa Odayaasha in ay Hannaankaan fududeeyaan, Guddiyada kala duwan la shaqeeyaan, isla markaana ay si Caddaalad ah waajibaadkooda u gutaan,’’ ayuu Xasan Sheekh Hadalkiisa ku daray.

Wuxuu kaloo madaxweyne Xasan uu dardaaran u diray Guddiyada Doorashada ee heer Federaal, heer Maamul goboleed iyo dhammaan maamulada dalka ka jira.

“Guddiyada doorashada dadban ee heer Federaal iyo heer maamul-goboleed waa in ay la shaqeeyaan odayaasha dhaqanka, Madaxda maamullada Dalka ka jira iyo shacabka iyagoo caddaalad iyo sinnaan kula dhaqmaya mushaxiriinta. Dadka Soomaaliyeed waajibaad ayay idin saareen, waxayna idinka sugeysaa inaad waajibaadkaasi siday tahay aad u gudataan. Madaxda maamul-goboleedyada, iyana waxaan farayaa inay amniga iyo Tas-hiilaadka kale ee suuragelinaya qabsoomidda doorashada gacan buuxda ka geystaan,’’ ayuu yiri Madaxweynuhu.

Ugu dambeyn Madaxweynaha Somalia ayaa ugu dambeyn ku ammaanay Beesha Caalamka doorkeeda ay ku taageerayso Doorashooyinka Soomaalyia, isagoo ka codsaday in ay waqtiga ugu habboon kusoo Dhameystiraan Tas-hiilaadka ay horay u ballan-qaadeen ee doorashooyinka taariikhiga ah ee Somalia.