GLOBAL NEWS

Madaxweynaha DF oo markii ugu horreysay ka hadlay colaadda ka taagan magaalada Gaalkacyo


Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud oo markii ugu horreysay ka hadlay xiisadda colaadeed ee ka taagan magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa ku baaqay in si deg-deg ah xabbadda loo joojiyo, nabad waartana ay ka dhaqan-gasho.

Degmada Gaalkacyo oo muddo hal toddobaad ka badan ay kja taagnayd xiisad colaadeed oo u dhexeysa maamullada Galmudug iyo Puntland ayaa waxaa ku sugan RW Somalia iyo wafdi uu hoggaaminayo, kuwaasoo dadaal ugu jira sidii xiisadda loo qaboojin lahaa.

“Waa ayaan-darro in mar kale si micno la’aan ah loo daadiyo dhiigga dadka Soomaaliyeed oo xaq u leh inay nabad iyo xasilooni ku noolaadaan. Waa in deg-deg xabada loo joojiyaa, wax kastana wadahadal lagu dhammeeyaa,’’ ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

Sidoo kale, madaxweynaha ayaa tacsi u diray dadkii ku waxyeeloobay dagaalka isagoo yiri. “ALLE ha u naxariisto intii ku geeriyootay dagaalladii Gaalkacyo ka dhacay. Anigoo ku hadlaya magaca dowladda federaalka Somalia iyo keygaba, aad ayay ii dhibeysaa inaan arko dad Soomaaliyeed oo naftooda ku waayaya colaad sokeeye oo laga baaqsan karay, dad Soomaaliyeed oo dhaawacyo ula jiifa colaaddaa awgeed, kuwo qaxaya iyo hantidooda ay burburtey intaba. Waana in maskaxdu lagu hayaa in Ilaahay nagula xisaabtamayo fal kasta oo aan sameyno, ha noqdo mid san iyo mid xun intaba.’’

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xusay in dowladda Somalia ay garowsan tahay baaxadda dhibaatada halkaas ka jirta, sababtaasi awgeedna ay halkaasi uga bilowdey dadaallo nabad raadin ah oo uu horkacayo RW Somalia, Sharma’arke.

“Colaad kasta oo xilligan la abuuro waxay dib u dhac ku tahay dadaalka ay Soomaaliya ku doonayso inay dib u soo kabato, iyo barnaamijyada kale ee muhiimka u ah dhismo qaran cusub oo Soomaaliyeed oo caalamka la tartami kara. Waxayna colaaddan si toos ah u dhaawacaysaa barnaamijyada iskaashiga caalamiga iyo Soomaaliya ee dib u dhiska dalka, barnaamijka madasha wadatashiga Qaran ee lagu go’aaminayo mustaqbalka siyaasadeed ee dalkeenna iyo kuwo kale oo aan nabad iyo xasillooni la’aantood aan la dhaqan gelin karin,” ayuu mar kale yiri Xasan Sheekh.

Ugu dambeyn, madaxweynaha Somalia wuxuu ugu baaqey Puntland iyo Galmudug inay si buuxda ula shaqeeyaan, gacanna uga geystaan dadaalaka RW Sharma’arke, mana u dul-qaadan doonto dowladda federaalka Somaliana in mar kale la daadiyo dhiigga shacabka iyo barakicinta ummadda u ooman nabadda ee dagaalada ay saameeyeen 25-kii sanno ee la soo dhaafay.