AF-SOOMAALI

Madaxweynaha cusub ee Hirshabelle oo taageero loo muujiyay


Xildhibaanno ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya iyo dowlad goboleedka HirShabelle, ayaa ka qeyb-galay xaflad lagu taageeraayay madaxweynaha cusub ee HirShabelle, Maxamed Cabdi Waare oo lagu qabtay magaalada Nairobi.

Jaaliyadda reer HirShabelle ee ku nool Nairobi ayaa soo qaban qaabisay xafladda oo ay ka qeyb-galeen qeybaha kala duwan ee bulshada.

Waxgarad, ganacsato, haween iyo dhalinyaro ka tirsan jaaliyadda oo ka hadashashay xafladda ayaa muujiyaya sida ay u garab taagan yihiin madaxweynaha cusub, iyagoo u rajeeyay in ilaah la garab galo xilka iyo shaqada.

Xildhibaan Shaacir oo ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya, ayaa uga mahad celiyay jaaliyadda taageerada ay u muujiyeen madaxweyne Waare.

Xildhibaanno iyo wasiirro ka tirsan HirShabelle oo goobta ka hadlay ayaa ka warbixiyay xaaladda gudaha iyo waxyaabihii u qabsoomay intii ay jirtay HirShabelle.

Xildhibaannada ayaa ka codsaday jaaliyadda in ay ka qeyb qaataan maalgashiga iyo dib-u-dhiska deegaannada HirShabelle.

Ibrahim Geedow Cawaale, Nairobi