AF-SOOMAALI

Madaxweynaha cusub ee dowlad deegaanka Soomaalida oo ka hadlay xaalada Cabdi Maxamuud Cumar


Madaxweynaha cusub ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Axmed Cabdi Maxamed oo war kooban siiyay warbaahinta ayaa ka hadlay xaaalada madaxweynaha xilka ka degay Cabdi Maxamuud Cumar.

Wuxuu sheegay in Cabdi Maxamuud Cumar uu badqabo islamarkaana ku sugan yahay sida uu hadalka u dhigay magaalada Jigjiga, waxaana uu intaa ku daray in uu wali yahay hogaamiyaha xisbiga tallada haya ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Cabdi Maxamuud Cumar ayaa galinkii danbe ee maanta ku dhawaaqay in uu xilka ka degay, kaddib markii uu soo ifbaxay khilaaf xoog leh oo soo kala dhax-galay maamulka uu madaxweynaha ka ahaa iyo dowladda dhexe ee federaalka Itoobiya.

Madaxweynaha cusub ee tallada la wareegay oo ah nin dhalinyaro ah waxaa uu dhashay 1986 waxaa uu horay u ahaa Wasiirkii Maaliyada dowlad deegaanka isaga oo waxbarashadiisa heerka Jaamacadeedna ku soo kala qaatay magaalooyinka Dirir-Dhawa iyo Bahardar ee dhulka Ismaamulka Itoobiya

Dhinaca kale magaalada Jijiga ayaa laga maqlay rasaas ay radiyeen ciidamada dowladda federaalka Itoobiya ee gudaha u galay magaalada kuwaa oo kala erayay dad doonayay in ay boob –geystaan.