AF-SOOMAALI

Madaxweeyne Farmaajo o loogu soo dhaweeyay Kismaayo


Madaxwaynaha iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa saaka yimid magaalada Kismaayo, waxaana garoonka diyaaradaha kusoo dhaweeyay madaxwaynaha Jubaland, ku xigeennadiisa, xubnaha labada gole ee Jubaland, ururrada bulshada rayidka ah iyo qeybaha kala duwan ee bulshada reer Kismaayo.

Dadweeynihii ka qeybqaadanayay soo dhaweynta madaxwaynaha ayaa ruxayay astaanta qaranka Soomaaliya iyo sawirrada madaxwaynaha, ayadoo sidoo kale ay siteen hal-ku-dhigyo ay ku taageerayaan dowladda Soomaaliya.

Madaxwaynaha ayaa markii uu soo dagay kadib salaan sharaf ka gudoomay cutubyo ka tirsan ciidamada xoogga dalka qeybtooda 43-aad ee Jubaland, waxaana intaa kadib uu salaan la dhex qaaday qeybihii kala duwanaa ee bulshada ee isugu soo baxay soo dhaweyntiisa.

Intaa kadib ayuu madaxwaynuhu qeybta nasashada kula hadlay warbaahinta, waxaa ugu horeyn halkaasi ka hadlay madaxwaynaha Jubaland Mudane Axmed Max’ed Islaam oo sheegay in ay ku faraxsanyihiin wafdiga uu hogaaminayo Madaxwayne Farmaajo ee Kismaayo, yimid isagoo ka codsaday in dowladda Soomaaliya ay xafiisyo ka furatay Jubaland.

Madaxwaynaha Soomaaliya Mudane Max’ed C/laahi Farmaajo oo madasha ka hadlay ayaa ka mahadceliyay sida diiran ee loogu soo dhaweeyay Kismaayo, isagoo sheegay in uu aqbalay codsiga Madaxwaynaha Jubaland ayna xafiisyo dowladda ka furan doonto Jubaland.

Intaa kadib ayuu madaxwaynaha booqday xerooyin ay ku jiraan ciidamada xoogga dalka iyo kuwa daraawiishta Jubaland, halkaa oo uu kula hadlay askartii uu la kulmay, isagoo ku booriyay in ay u adeegaan dalkooda iyo dadkooda, waxaa sidoo kale uu ka ballan qaaday in hadda wixii ka danbeeyo ay heli doonaan xuquuqdooda.