GLOBAL NEWS

Madaxwaynaha Jubbaland oo maanta soo dhaweeyay Nicholas Kay


Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa guriga martida oo laga dhisay nawaaxiga dekedda Kismaayo waxa uu maanta ku qaabilay wakiilka qaramada midoobay ee Soomaaliya Nicklos Kay oo maanta soo gaaray magaalada Kismaayo.

nick10

Nicholas Kay oo la filayo in dhawaan uu xilka ka dego ayaa dhawaanahan booqasho ku marayay meelo kamid ah Soomaaliya asagoo booqasho ku tagey Puntland halkaas oo ay ku kulmeen madaxwaynihii hore ee maamul gobaleedkaasi Cabdiraxmaan Faroole.

Nicholas Kay ayaa kala hadlay madaxwynaha dowlad gobaleedka Jubbaland geedsocodka hanaanka doorashada dalka ka dhici doonta 2016ka.

Uqeybsanaha Qaramada Midoobey Soomaaliya ayaa lagu xasuusan doonaa shaqada wacan ee uu ka qabtay hiigsiga 2016ka oo uu dardar xoog leh u yeelay.