GLOBAL NEWS

Madaxeynaha JFS o si diiran loogu so dhoweeyay Kisimayu caasimada Jubaland


Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Wafdi uu hogaaminaayo, ayaa gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubadda hoose.

Xubnaha Wafdiga Madaxweynaha uu horkacaayo waxaa Magaalada Kismaayo ku soo dhaweeyay Madaxweynaha Maamulka Jubbaland iyo Madaxdii kale ee Magaalada ku sugneyd.

Wafdiga Madaxweynaha ayaa soo dhaweyn kadib loo galbiyay Xarunta loo qorsheeyay inuu ka furmo Shirka Madasha Wadatashiga Qaran ee Kismaayo.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa laga sugaayay labadii maalin ee la soo dhaafo Magaalada Kismaayo, hayeeshe ma aysan suuragelin inuu tago balse maanta ay u suuragashay inuu halkaasi gaaro waxaana la filayaa in maalinta bari ah uu Kismaayo ka furo shirka wadatashiga Qaran.