AF-SOOMAALI

Madaxda Soomaalida oo wadda jir ula hadashay xalay Jaaliyada Soomaaliyeed ee UK


Munaasabad si heer sare ah loo soo Agaasimay oo lagu soo dhowaynayay Madaxweynaha JF Soomaaliya iyo Madaxda Dowlad gobaleedyada ee ka qaybgalaya Shirka London ayaa ka dhacday magaalada Xarunta u ah Uk.

Madaxweynaha Puntland C/wali Gaas oo khudbad ka jeediyay Munaasabada ayaa Sheegay Sanadkaan Madaxda Soomaalida ayaga oo midaysan oo wax qilaaf ah u dhaxeyn inay ka qaybgalayaan shirkaan caalamiga ah.

Madaxweyne Gaas ayaa sidoo kale cadeeyay Madaxda Soomaaliya inay doonayaan ayaga oo midaysan inay u adeegaan dadka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan.

Dhanka kale Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Madoobe ayaa sheegay in wanaaga uu ku haray qurbo joogta, balse iyaga uu ku dambeeyo wali qabiilka, wuxuuna tilmaamay in loo baahanyahay in laga gudbo kala qaybsanaanta iyo Qabiilka.

Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan Madaxweynaha Koofur Galbeed ayaa sheegay in Midnimo iyo walaalnimo ku wada socdaan dhammaan Madaxda Soomaaliya ee ka qaybgalaya Shirka London uuna Hoggaaminayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Maxamed c/laahi farmaajo.

Madaxweynaha Hirshabeelle Cali C/llaahi Cosoble ayaa sheegay inay ku wada socdaan hal hadaf, isla markaana dhammaan Madaxda Soomaalida ay ku daba faylanyihiin Madaxweynaha Qaranka Soomaaliya.

Madaxweynaha cusub ee Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa ugu baaqay in Qurba joogta Soomaaliyeed ee ku sugan waddanka UK ay ka shaqeeyaan Midnimada Muwada Soomaaliyeed sidoo kalana ay qabiilka ka dheeraadaan.

Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo Madaxweynaha dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa sheegay in loo baahan yahay in dowladda la garab istaago, isla markaana la iska dhaafo qabiilka iyo qurunkiisa.

Madaxweynaha ayaa sheegay inay ku mideysan yihiin sidii dalka loogu soo dabaali lahaa amni iyo nabadgelyo, isla markaana Al-Shabaab laga saaro dalka oo dhan, waxa uuna Shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in dowlada garab istaagaan.