AF-SOOMAALI

Madaxda Madasha Wada-tashiga Qaran oo lagu Wado inay ku Kulmaan Magaalada Muqdisho


Iyadoo maalmahaan ay soo baxayeen in laga yaabo in doorashada dalka ay dib u dhacdo, ayaa waxaa haddana la filayaa in Magaalada Muqdisho ay kulamo ku yeeshaan Mas’uuliyiinta Soomaalida, kaasoo looga hadli doono Doorashooyinka iyo Xilliga ay dhacayaan.

Inkastoo Mas’uuliyiinta Soomaaliya ay sheegeen in doorashadu aysan dib uga dhici doonin xilligii loogu talo-galay, haddana waxaa soo baxaya shakiyo fara badan oo muujinaya in laga yaabo inay doorashadu dib uga dhacdo xilligeedii.

Kulanka ay Madaxa Madasha Qaranka ku yeelan doonaan Muqdisho 02-da Augus oo ah maanta illaa 04-ta Ogoosto, ayaa la sheegay in maanta uu dib uga dhacay oo la furayo berri oo Arbaco ah.

Guddoomiyaha Guddiga Hirgelinta Doorashada Heer Federaal Cumar Dhagey ayaa shir jaraa’id oo uu Muqdisho ku qabtay ku sheegay in xilliga rasmi ahaan ay doorashadu u dhacayso laga sugayo madaxda madasha Doorashooyinka Qaranka.

Ugu dambeyn, Hoggaamiyeyaasha Soomaalida ayaa dhawr jeer Kulamo kala duwan ka yeesha Arrimaha Doorashooyinka Sannadkan 2016-ka ka dhacaya dalka, kuwaasoo qodobbo dhawr ah laga soo saaray.