AF-SOOMAALI

Madaafiic lagu weeraray degmada Qandala ee gobolka Bari


Wararka naga soo gaaraya degmada Qandala ee gobolka Bari ayaa sheegaya barqanimadii maanta laga maqlay madaafiic ilaa iyo hadda dhab ahaan aan la ogeyn halka laga soo tuuray.

Ilaa iyo hadda waxaa soo baxaya warar kala duwan oo la xiriira duqeynta iyo madaafiicda laga maqlay degmada oo ay gacanta ku hayaan xoogag sheegtay in ay ka tirsan yihiin Daacish.

Wararka qaar ayaa sheegaya in duqeynta ay geysteen maraakiib dagaal oo ku sugan agagaarka xeebta degmada, halka warar kalana sheegayaan in madaafiicda ay soo rideen diyaarado kuwa dagaalka ah.

Ma cadda ilaa iyo hadda khasaaraha ka dhashaya duqeynta, balse waxaa ay aritan cabsi hor leh ku abuurtay dadkii tirada yaraa ee ku sii harsanaa degmada.

Ugu danbeyntii, Dhawaan ayeey aheyd markii gacan ku heynta degmada ay la wareegeen dagaalyahanno ka tirsan kooxda Daacish, kuwaa oo fariisimo ka sameystay gudaha iyo daafaha deegaanka.