GLOBAL NEWS

Madaafiic ay ku Geeriyoodeen Dad Shacab ahaa oo Xalay lagu Duqeeyay Baydhabo


Ugu yaraan Afar Qof ayaa ku Geeriyoooday, 20 kalena way ku dhaawacmeen kaddib markii xalay la duqeeyay xaafaddo ka Tirsan degmada Beydhabo ee xarunta gobolka Bay oo ay degan yihiin dad rayid ah.

Afarta ruux ee dhinty ayaa Waxaa ku jiray ilmo yar; Waxayna dhammantood ahayeen dad Maato ah deggenaa Xaafadahaas la duqeeyay. Iyadoo dhaawacyadiina la dhigay isbitaalka Beydhabo, iyadoo ay ku jiraan dad dhaawacoodu aad daran yihiin, kuwaasoo haatan lagu caafimaadkooda lagula tacaalayo isbitaalka.

Maamulka Koonfur-galbeed Soomaaliya ayaa Duqeyntii lagu qaaday xaafadaha ku yaalla Baydhaba dusha uga tuuray Al-shabaab oo dagaalo kula jirta DF Soomaaliya iyo ciidanka caawiya ee AMISOM.

Dhanka Kale, Warbaahinta Al-shabaab ayaa baahisay in Al-shabaab ay ku qaadeen weerar Magaalada Baydhaba, gaar ahaan Xarumaha Maamulka iyo saldhigyada Ciidanka Itoobiya ay ku leeyihiin gudaha magaaladaas.

Ugu dambeyntii, Ma ahan markii ugu Horreysay oo Xarakada Al-shabaab ay Weerarro ka geysato Baydhabo, inkastoo Xilliydii u dambeeyay uu Ammaanka Magaaladaas ahaan mid deggen.