GLOBAL NEWS

Maamulka Ximan iyo Xeeb oo si cad uga soo hor-jeestay Go’aankii Madaxweynaha Soomaaliya


Maamulka Ximan iyo Xeeb ayaa kasoo hor-jeestay go’aanka madaxweynaha Somali uu ku dhawaaqay ee ahaa in caasimada maamulka gobollada dhexe ay noqoto dhuuso-mareeb, iyadoo maamulku sheegay inuu war cad kasoo saari doono arrintaas.

Xubno kasoo jeeda Ximan iyo Xeeb ayaa sheegay in mMadaxweynuhu aanu xaq u lahayn inuu ku dhawaaqo halka ay noqonayso caasimadda maamulka ay sameysanayaan, balse ay go’aan ka gaari ka gaari karaan arrintas dadka sameysanay maamulka.

“Waxaanu u aragnaa go’aanka madaxweynaha mid aan loo baahnayn in madaxweynuhu ku dhawaaqo, dastuurka dalka waxaa ku qoran in ummad walba ay iyadu iska leedahay inay ka tashato halka ay caasimaddoodu noqon doonto, xaqna uma laha madaxweynaha inuu magacaabo caasimada gobollada dhexe,” ayuu yiri Caabi Yuusuf Maxamuud oo mas’uuliyiinta Ximan iyo Xeeb ka tirsan

Sidoo kale, afhayeenka maamlka ayaa sheegay in wixii dadka gobollada Mudug iyo Gal-gaduud ka halaaba uu mas’uul ka yahay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

“Arrintaan war cad ayaan kasoo saari doonnaa, wixii ka halaaba shacabka gobollada maamulka sameysanayna waxaa ka mas’uul ah madaxweynaha Somalia,” ayuu yiri Careys oo ah afhayeenka Ximan iyo Xeeb.

Hadalkan ayaa imaanaya kaddib markii uu madaxweyne Xasan shalay kaga dhawaaqay Dhuuso-mareeb in Cadaado uu ka furmi doono shirka lagu dhisi doono maamulka gobollada dhexe 11-ka bishan, caasimadduna maamulka ay noqonayso Dhuuso-mareeb.