GLOBAL NEWS

Maamulka Puntland oo ka baxay Shirka ka socda Muqdisho ee looga Hadlayo Doorashada 2016-ka


Maamulka Puntland ayaa isaga baxay shirka Wada-tashiga ee Muqdisho ka Furmay, kaasoo looga Hadlayo Doorashooyinka ka dhaci doono Somalia marka la gaaro Sannadka 2016-ka.

Shirka oo shalay Gellinkii dambe ka furmay Xarunta Madaxtooyada Somalia ayaa maanta galay maalintii labaad, iyadoo wararku ay sheegayaan in sababta ay uga baxday Puntland shirka ay tahay iyadoo diiddan Maamul-goboleedka Galmudug ee dhawaan lagu dhisay Cadaado.

Wafdigii uu Horkacayay Madaxweynaha Puntland, C/weli Maxamed Cali ayaa la sheegay inay gabi ahaan isaga baxeen shirka, iyadoo wararka ay sheegayaan in ay socdaan dadaallo lagu doonayo in dib shirka loogu soo celiyo C/weli Gaas iyo Wafdigiisa.

Madaxweynaha Puntland, C/weli Gaas ayaa shalay markii uu kasoo Gaalkacyo kasoo duulayay wuxuu Warbaahinta u sheegay in Mowqifkii Puntland aysan waxba iska bedelin, isagoo xusay in shirka ay ka sheegi doonaan mowqifka ay aamisan yihiin.

Dhanka kale, Shirkaan maalintii labaad ayaa waxaa looga hadlay Arrimo ay ka mid yihiin sida ay noqonayso doorashada dhacaysa Sannadka 2016-ka, markaas oo uu xilliga dowladda hadda shaqeynaysa ku eg-yahay.

– See more at: http://hiiraan.com/news/2015/Sept/wararka_maanta20-93091.htm#sthash.DxRvVXzp.dpuf