GLOBAL NEWS

Maamulka Koonfur-galbeed oo Xad-gudub ku Eedeeyay Jubbaland iyo Eedeysayaal la Xukumay


Wasiirka warfaafinta maamulka KMG ah ee Koonfur-galbeed Somalia, Ugaas Xasan Cabdi ayaa warbaahinta Baydhabo u sheegey in heshiiskii ka dhaxeeyay Koonfur-galbeed iyo maamulka Jubba ay ka baxeen maamulka Jubbaland, taasoo ahayd in maamulka Jubbaland uu si cadaalad ah awoodda ugu qaybiyo deegaannada uu ka taliyo.

Ugaas Xasan ayaa sheegey in sed-bursi uu ka jiro Qaybsiga Xildhibaannada Baarlamaanka maamulka Jubbaland ee dhawaan lasoo dhisay, kaasoo lagu wado in maanta guddoonkiisa lagu caleemo-saaro gudoonka baarlamaanka Jubbland.

Sidoo kale, wasiirka warfaafinta Koonfur-galbeed ayaa ka Codsaday Beesha Caalamka iyo dowladda Somalia inaysan taageerin xubnaha baarlamaanka Jubba, waayo ma ahan buu yiri mid cadaalad ku dhisan, isagoo xusay inay dhankooda ilaalin doonaa nidaamka sharci ee maamul gobaleedyadu ay ku heshiiyeen.

Dhanka kale, maxkamadda ciidamada qaybta 60-aad ee fadhigeedu yahay xarunta degmada Baydhabo ayaa eedaysanayaal ku kacay fal-burcadnimo ku xukuntay xukun dil toogasho, eedeysanayaashan ayaa la sheegay in mid ka mid ah uu rasaas ku furay gaari rakaab siday taasoo ay ku geeriyoodeen dadkii shacab ahaa ee saarnaa gaariga.

Ugu dambeyn, eedeysanaha rasaasta ku furay gaariga rakaabka sida ayaa lagu magacaabaa; Nuurow Mad-nuur Mad-kheer, iyadoo lagu xukumay dil toogasho ah, eedaysanaasha kale oo kala ah; Ibraahim Cali iyo Cusmaan Maxamed Baariyoow ayaa iyagana midkiiba lagu xukumay min shan sano oo xabsi.