AF-SOOMAALI

Maamulka Jubaland oo dhul siiyay qaxootiga so noqonaya


Maamulka Jubaland ayaa shaaca ka qaaday inuu dhul ugu deeqay qaxootiga laga celinaayo Dhadhaab ee Soomaaliya gaar ahaan Jubaland dib ugu laabanaya.

In dhawaaleba waxaa socotay celinta qaxootiga Dhadhaab hadba in ayadoo in badan oo qaxootigaa ah horay loo geeyay meelo kala duwan oo Jubaland ka tirsan. Meelahaa ayaa waxaa ku jira Kismaayo, xarunta Jubaland iyo Luuq.

Duqa Kismaayo Ibraahim Maxamed Yuusuf ayaa warbaahinta u sheegay in dawlad goboleedka Jubaland ay u diyaargarowday in qaxooti badan oo laga soo celinaayo Kenya ay qaabisho.

Kenya ayaa damacsan in ay albaabada u laabto xeryaha Dhadhaab qaxootiga kujirana wax yar oo aan Soomaali ahayn maahee inta kale ay Soomaaliya ku celiso bishaan Nofembar ee sanadkaan 2016.

Qaxootiga Dhadhaab ee Soomaalida ah ayaa kunoolaa Dhadhaab muddo rubac qarni ah.

Qaxootiga Soomaalida ah ee Dhadhaab ayaa kasoo cararay Soomaaliya colaada ka jirta iyo abaaro.