AF-SOOMAALI

Maamulka Cisbitaalka Madiina oo ka warbixiyay dhaawacyo goor dhow la gaarsiiyay


Agaasimaha Cisbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho Dr. Maxamed Yuusuf oo goor dhow warbaahinta la hadlayay ayaa waxa uu ka warramay xaaladda dhaawacyadii lasoo gaarsiiyay ee kamid ka ahaa dadkii ku waxyeelloobay qaraxii ka dhacay deegaanka Xaawa Cabdi ee duleedka Muqdisho.

Dhaqtarka ayaa waxa uu tilmaamay in dhaawacyada lasoo gaarsiiyay qaar kamid ah ay ku jiraan xaalad miir doorsoon ah , halka kuwa kalana ay xaaladdoodu caadi tahay.

Badi dadka lasoo gaarsiiyay ayaa waxa uu sheegay in ay qabaan dhaawacyo madaxa ah. Waxa intaa uu ku daray in dhowr qof oo meyd ahna lasoo geeyay Cisbitaalka Madiina.

“Maanta qarax ayaa dhacay kaas oo sababay in Cisbitaalka la keenay 13 ruux, 7 kamid ah dadkaasi waa dhaawac halka 6 kalana ay meyd ahaayeen, dadka dhaawaca ah badi waxay ahaayeen kuwa qaba dhaawacyo madaxa ah , saalada Ayaan ugu tagnay waana daaweynay, laba kamid ahna waxay ku jiraan Koommo” ayuu Warbaahinta u sheegay Dr. Maxamed Yuusuf

Qaraxa maanta ka dhacay deegaanka Xaawo Cabdi ayaa waxaa lala eegtay dad rayid ah oo saarnaa gaari Homey ah, illaa iyo haddana ma jiraan cid sheegatay qaraxaas in ay ka dembeysay