AF-SOOMAALI

Lix askari oo lagu dilay qarax ka dhacay maanta Ex-koontarool Afgooye dulleedka Muqdisho


Inta la og-yahay lix askari ayaa lagu dilay qarax loo adeegsaday miino dhulka lagu aasay oo ka dhacay Ex-kootarool Afgooye ee duleedka Muqdisho, halkaa oo barkootarool u ah ciidammo ka tirsan dowladda federaalka.

Siddoo kale, qaraxa ayaa waxaa ku dhintay caruur walaale ahaa, kaddib markii miinada lagu aasay goob maqaaxi ah oo la sheegay in inta badan ay fariisin jireen ciidammada dowladda.

Qaraxan ka dhacay Ex-koontarool Afgooye ayaa imanaya xili isla subaxnimadii hore ee saakay weerar loo adeegsaday gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay lagu weeraray maqaayada the Village oo ku dhaw guriga hooyooyinka ee degmada Xamar-weyne, waxaana qaraxan ku dhaawacmeen ilaa 7 ruux oo rayid u badnaa.

Ugu danbeyntii, qaraxyadan ayaa imaneya xili Soomaaliya isku diyaarineyso dhawaan doorashada guddoonka baarlamaanka iyo kan madaxweynaha oo siweyn looga hadal hayo guud ahaanba dalka.