AF-SOOMAALI

Labo wiil oo Soomaali ah oo midna lagu dilay midna lagu dhaawacay Ohio, Mareykanka


Labo wiil oo Soomaali ah ayaa midna lagu dilay midna lagu dhaawacay Ohio, Mareykanka.

Labada wiil ayaa midkood ka shaqeyn jiray dawlada hoose ee Ohio. Labada wiil ayaa la sheegay inay ka yaraayeen da’da 30 sano jirka.

Labada wiil ayaa kii dhintay maahee kii kale iminka isbitaal uu ku jiraa asagoo halkaa lagu dabiibayo.

Koox aan la aqoon ayaa toogatay labadaa wiil oo dabadeed midi uu geeriyooday midna dhaawac yahay inkastoo aan la ogaan kooxdaa cida ay tahay.

Warar dheeraad ah ayaa sheegaya in boolisku arinkaa wali baarayo balse boolisku sheegay inaan falkaasi Muslim nacayb la xiriirin.

Muddo gaaban ka hor ayaa nin Soomaali ah waxaa isla Ohio ku dilay burcad dooneysay inay lacag ka dhacdo.