GLOBAL NEWS

Kuwait oo sheegtay in Soomaaliya ay ka caawin doonto Dagaallada Dhanka ka ah Argagaxisada


Wasiirka arrimaha dibadda Dalka Kuwati, isla markaana ah ku simaha Ra’iisul Wasaaraha, Sheikh Sabah Al-Khaled – ayaa mar kale ku celiyay inay ka go’an tahay inay Somalia ka caawinayaan la-dagaalanka kooxaha Argagaxisada ah.

Sh. Sabah Al-Khaled, ayaa Hadalkan ka sheegay kulan uu Magaalada Kuwait kula yeeshay wafdi uu Hoggaaminayo Wasiirka Gaashaandhiga Xukuumadda Somalia, Jen. C/qaadir Sh. Cali Diini.

Dhanka kale, Wasiirka Difaaca Soomaaliya, ayaa uga mahad-celiyay Xukuumadda Kuwait Taageerada ay la Garab-taagan tahay Soomaaliya iyo weliba Dadaalladeeda ay kaga qayb-qaadanayso Xasilinta Soomaaliya.

Xukuumadda Somalia ayaa waxaa dagaallada ay kula jirto Al-shabaab iyo kooxaha kale ka caawiya waddamo ka mid ah kuwa Islaamka, iyadoo Somalia ay ku sugan yihiin ciidammo ka socda Ururka Midowga Afrika, kuwaasoo Dowladda Federaalka Somalia ka caawiya la-dagaallanka Al-shabaab.

Ugu dabmeyn, kulankan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa; Taliyaha guud ee ciidanka Kuwait, Jen. Mohammad Khaled Al-Kheder, ku xigeenkiisa, Jen. Sh. Abduallah Nawaf Al-Ahmad Al-Sabah iyo xubno kale oo ka tirsan Xukuumadda Kuwait.