AF-SOOMAALI

Kulankii Maamul-goboleedyada Somalia iyo Dowladda Imaaraadka oo Maanta lasoo Gunaanadayo


Maamul-goboleedyada Somalia iyo Dowladda Isu-tagga Imaaraadka Carabta oo Maalmahaan uu shir uga socday Magaalada Abu Dhabi ee dalka Imaaraadka Carabta, ayaa la filayaa in lasoo gaba-gabeeyo maanta oo Talaado ah.

Maamul-goboleedyada, ayaa cusmaad ka helay Xukuumadda Imaaraadka, waxaa kulankan aanan lagu casuumin madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud. Iyadoo kulammadan ay ahaayeen kuwo ay saxaafaddu dibad-joog ka ahayd.

Inkastoo kulankan wararka laga helayo ay kooban yihiin, ayaa hadana HOL waxay heshay xog sheegeysa in Dowladda Imaaraadka Carabta ay kala hadlayso maamul-goboleedyada sidii ay u midoobi lahaayeen, isla markaana ay u yeelan lahaayeen hal cod oo keliya.

Wararka ayaa waxay intaas ku darayaan inay Dowladda Imaaraadka Carabta damacsan tahay in kaalmada ay siiso Soomaalya ay si toos ah ugu Gudbiso Dowlad-goboleedyada oo aanan lasoo marin Dowladda Dhexe ee Somalia.

Dhanka kale, Maamul-goboleedyada kulan kasoo Qayb-galay ayaa kala ah: C/weli Gaas, C/kariin Guuleed, Cali C/lle Cosoble, Shariif Xasan iyo Axmed Madoobe.

Ugu dambeyn, Ganacsatada Soomaaliyeed ee ku sugan Magaalada Dubai, ayaa la filayaa inay kulan la qaadan doonaan maamullada Galmudug iyo Hir-Shabeele.