GLOBAL NEWS

Diyaar garoobayo qabashadii deegaanada Jubooyinka


Kulan xasaasi ah oo loogu diyaar garoobayo qabashadii deegaanada Jubooyinka ee wali ku hadhsan gacanta Alshabaab ayaa ka furmay magaalada Nairobi.Kulankan waxaa furay taliyaha guud ee AMISOM Lt.Gen.Jonathan Rono.Kulankan oo loogu magac daray After Action Review meeting for operation ocean build and operation Juba corridor ayaa wuxuu ka socdaa magaalada Nairobi.Kulankan ayaa waxaa qayb ka ah taliyaasha aagaga kala duwan ee AMISOM,saraakiil ka socota SNA iyo khuburo ree galbeed ah.

Lama oga xiliga uu bilaaban doono howlgalkan lagu qaban doono deegaanada Jubooyinka balse sida muuqata waxaad socda qaban qaabo loogu diyaar garoobayo.