GLOBAL NEWS

Kulan hawleed la Xiriir dibuegista Dastuurka oo maanta Muqdisho lagu qabtay


Kulan howleed ku aaddanaa dib u eegista dastuurka oo ay soo agaasintay wasaarada dastuurka ayaa maanta lagu qabtay xarunta villa Hargeysa, waxaana goob-joog ka ahaa guddoomiyaha baarlamaanka Somalia, Maxamed Sh. Cismaan [Jawaari], RW Somalia, Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke, guddoomiyaha maxkamadda sare Avv. Ceydiid Ilka-xanaf, wasiirka dastuurka Somalia, Xuseen Maxamuud Sh. Xuseen, xildhibaanno, wakiilka gaarka ah ee QM, danjire Nickolas Kay iyo weliba khubaro caalami ah oo ku xeel-dheer arrimaha dastuurka.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Somalia, Maxamed Cismaan Jawaari oo kulanka furay ayaa sheegay in dastuurkeenna uu yahay qabyo, loona baahan yahay in la dhameystiro, ayna u baahan tahay arrintan in si wadajir ah talo iyo tusaale looga helo maamul-goboleedyada, qaybaha bulshada, baarlamaanka iyo cid kasta oo loo arko inay aragti muhiim ah ku kor-dhin karto dhameystirka dastuurka.

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Somalia, Cumar C/rashiid oo isagana goobta ka hadlay ayaa xusay in khubarada iyo xildhibaannada baarlamaanka Somalia iyo aqoon-yahannada kulanka goob-joogga ka ahaa ay diirrada saaraan, sidii loo heli lahaa talooyin wax ku ool ah oo dhameystir u noqda dastuurka qabyada ah.

Danjire Nickolas Kay ayaa isna dhankiisa soo dhaweeyey dadaallada iyo wada-tashiyada noocan oo kale ah, kuwaasoo lagu doonayo in dastuurka qabyada ah lagu dhameystiro, isagoo goobta ka ballan-qaaday in QM iyo Beesha Caalamku ay taageero dhinacyo badan leh ka geysanayaan dhameystirka dastuurka.

Ugu dambeyn, wasiirka dastuurka Somalia oo warbaahinta la hadlay ayaa tilmaamay inay wasaaradda dastuurku ku howlan tahay wada-tashiyada qaybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed, ayna kulankaan ku casuumeen khubaro heer caalami ah kuwaasoo ay uga faa’iideysan doonaan arrimaha siyaasadda, gaar ahaa arrimaha awoodda, kheyraadka iyo canshuuraha maadaama ay aqoonyahanno caalami ah yihiin.