GLOBAL NEWS

Kulamadii Baarlamaanka Somalia oo la Hakiyay iyadoo ay Hor-yaallaan MOOSHINNO is-diiddan


Kulammadii Baarlamaanka Somalia ayaa Maanta hakad la geliyay, xilli ay Baarlamaanka horyaallaan Mooshinno iska soo horjeeda; iyadoo gudoonka Baarlamaanka Somalia uu sheegay in hakadka uu soconayo inta Xajka laga soo laabanayo.

Hab-dhowraha Baarlamaanka Soomaaliya, Xildhibaan Maxamed Cumar Maxamuud oo ka hadlay hakinta la geliyay kulammadii Baarlamaanka ayaa sheegay inaan la oran karin inay Fasax-galayaan ayna sii soconayaan Kulammada xalka loogu raadinayo Mooshinka Xil-ka-Qaadista ee Madaxweyne Xasan Sh. Maxamuud ay ka Gudbiyeen Xildhibaanno ka mid ah kuwa Baarlamaanka Somalia.

“Ma dhihi karno fasax ayaa la galay, balse Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa ku Sheegay Arrintaan in Xildhibnaanada inta badan ay soo gudanayaan Waajibka Xajka ee Sannadkan; Wuxuuna Xusay in inta laga soo Laabanayo Xajka ay hakad ku jirayaan kulamadii caadiga ahaa ee baarlamaanka, laakiinse ay sii socon doonaan Arrimaha looga hadlayo Mooshinnda iska-soo-horjeeda maadaama Dhinacyadu ay ogolaadeen in wadahadal laga galo Arrintan,” ayuu yiri Xlidhibaan Maxamed Cumar oo jawaab ka bixinayay in kulamada Baarlamaanka Somalia lasoo xiray iyo in kale.

Sidoo kale, Hab-dhowraha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa intaas ku daray in aysan dhici doonin Kulammadii Caadiga ahaa ee Baarlamaanka inta laga soo laabanayo Xajka, Balse Kulammada kale ee ku aaddan Mooshinnada oo uu Gar-wadeenka ka yahay Jawaari ay sii socon doonaan.

Xildhibaannada Baarlamaanka qaarkood ayaa qaba in sababta aan sida Rasmiga ah loogu xirin kal-fadhiyadii baarlamaanka ay tahay in marka la isku laabto ee la doonayo in kal-fadhiga toddobaad ee baarlamaanka la furayo ay tahay inuu furo Madaxweynaha Somalia, taasina ay adkaan karto maadaama xildhibaanno badan ay kasoo horjeedaan siyaasadda Madaxweynaha.

Hab-dhowraha Baarlamaanka Somalia Xildhibaan, Maxamed Cumar oo arrintan ay wax ka weydiisay VOA-da ayaa kaga jawaabay. “Aragti ahaan anigu waxaan qabaa in sida uu u dhigay baarlamaanka ay tahay, maadaama 40-xildhibaan ay u Ambabaxayaan gudashada waajibka xajka ayna adkaan karto inay kulamada caadiga ah ee Baarlamaanka ay sii socon doonaan, lana wayn karo in 139 Mudane oo ah kooramka ay kulammadu ku furmi karaan.

Dhinaca kale, Xildhibaannada Baarlamaanka Somalia ayaa Maanta Cod Aq-labiyad ah ku Ansixiyay dhismaha golaha wada-tashiga Qaranka oo Hor-yaallay Baarlamaanka Somalia, kaasoo howshiisu noqonayso jiheynta habka siyaasadeed iyo Tabaha lagu gaarayo Hiigsiga Sanadka 2016-ka ee Soomaaliya.

Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Baarlamaanka Somalia, Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa faray guddiyada dhinacyada mooshinnada iska-soo-horjeeda keenay ay soo gudbiyaan Qodobbadii ay soo Diyaarsadeen, iyadoo Madaxweyne Xasan Sheekh oo uu Mooshinnada Midkood laga keenay uu Wadahadalka u Wakiisay RW Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke.