GLOBAL NEWS

Kooxo hubeysan oo Magaalada Muqdisho ku dilay sarkaal ciidan iyo Guddoomiye Waaxeed


Kooxo bastoolado ku hubeysan ayaa siyaabo kala duwan ugu dilay Muqdisho sarkaal ka tirsanaa ciidamada asluubta Soomaaliya iyo mid ka mid ah guddomiye waaxeedyada degmada Dayniile.

Sarkaalka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray, C/llaahi Sarmaan, kaasoo lagu dilay isgoyska degmada Howlwadaag ee gobolka Banaadir oo ku dhow Suuqa Bakaaraha, iyadoo kooxihii dilkiisa geystay ay baxsadeen. Goob-joogayaal ayaa sheegay in sarkaalka ay dileen dhalliniyaro bastoolado ku hubeysan, kuwaasoo dhowr xabbadood ku dhuftay sarkaalka, isagoo isla goobta lagu toogtay ku naf-baxay sarkaalkan.

Ciidammo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya ayaa goobta sarkaalka lagu dilay gaaray, iyagoo howlgallo ay sameeyeen ku qab-qabtay tiro dhallinyaro ah oo lala xiriirinayo dilka sarkaalkan. Sidoo kale, kooxo dabley ah ayaa xalay ku dilay degmada Dayniile ee gobolka Banaadir, iyadoo dilka sarkaalkan uu dhacay xilli uu kasoo baxay masjid uu kusoo tukaday salaaddii Cishaha. Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegay in dilka sarkaalkan ay geysteen saddex dhallinyaro ah oo bastoolado ku hubeysan kuwaasoo baxsaday, iyadoo lagu magacaabi jiray guddoomiye waaxeedka la dilay, Ibraahim Maxamed Bariise.

Inkastoo aysan jirin weli cid sheegatay mas’uuliyadda dilka sarkaalka iyo guddoomiyaha ka tisranaa maamulka degmada Dayniile, laakiinse dilalka noocan oo kale ah ayaa waxaa inta badan sheegata Al-shabaab oo dagaal kula jirta dowladda FS iyo ciidamada gacanta siinaya ee AMISOM.

Si kastaba ha ahaatee, dilalkan ayaa waxay kusoo beegmayaa xilli dhowrkii maalmood ee lasoo dhaafay ay Muqdisho ka dhacayeen dilal qorsheysan oo loo geystay sarkaalkiil ciidan iyo xildhibaan ka tirsanaa baarlamaankii KMG ahaa ee Somalia oo shalay ka dhacay Suuqa Bakaaraha.