GLOBAL NEWS

KISMAAYO: Wasiirrada Jubbaland iyo Labada Madaxweyne ku Xigeen oo la Dhaariyay Maanta


Munaasabad Maanta lagu qabtay Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose, ayaa lagu dhaariyay Golaha Wasiirrada Jubbaland iyo Madaxweyne ku xigeennada uu Dhawaan Magacaabay Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Madoobe.

Xubnaha Golaha Wasiirada Maamulka Jubbaland, Xildhibaannada iyo Mas’uuliyiin DF ka Socotay Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Goob-joog ka ahaa Xafladdii Maanta lagu dhaarinayay Golaha Wasiirrada Maamulka Jubbaland.

Mas’uuliyiin ay ugu horreeyaan Madaxweyne ku xigeennada Maamulka Jubbaland oo kala ah; Maxamuud Sayid Aadan iyo C/qaadir Luga-dheere ayaa ka mid ahaa Dadka maanta loo dhaariyay xilalka cusub.

Wasiirrada Maamulka Jubbaland ee Maanta la dhaariyay ayaa Magacaabistooda waxay soo socotay muddo bilooyin ah, iyadoo saddex jeer ah dib loo dhigay Xilliga Magacaabistooda.

Ugu dambeyntii, Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam [Axmed Madoobe], ayaa ugu Dambeyntii Magacaabay Golaha Wasiirrada Jubbaland Bartamihii Bishii hore ee May, 2016-ka.