AF-SOOMAALI

Kismaayo oo doorashada Soomaaliya looga diyaar garoobayo


Waxaa aad loo ammaanay sida wacan ee doorashada Soomaaliya loogaga diyaar garoobay magaalada Kismaayo, Jubaland, Soomaaliya.

Kismaayo ayaa ammaanku soo hagaagay muddooyinkii ugu dambeeyay ayadoo iminka ay magaaladaa kasocdaan hawlo badan oo dhanka horumarka iyo maalgashiga ah.

Guud ahaan waxaa murashaxiinta ka imaanaya Kismaayo iyo guud ahaan gobolada Jubaland ay diyaar garow ugu jiraan sidii ay ugu guleeysan lahaayeen jagooyinka ay u tartamayaan, doorashada dadban ee Soomaaliya ee sanadkaan 2016.

Waxaa murashaxiintu iminka isku dayayaan sidii ay taageero uga heli lahaayeen bulshadooda oo deedna ku qancin kara masuuliyiintooda guddiga soo xulaya xubnaha aqalada baarlamaanku inay xushaan.

Maxamed Salaad Nuunow iyo Cabdi Gaashaan Cigaal ayaa kujira murashaxiinta doonaya inay odayaasha beelahooda iyo guddiga doorashada ku qanciyaan inay yihiin murashaxiinta saxda ah ee dadkooda iyo deegaanadooda kana soo bixi kara xilalka ay damacsan yihiin inay dalka ka qabtaan si loogu igmado.

Taageereyaasha labadaa murashax ayaa dhawaan olole lagu taageerayo murashaxiinta ka bilaabay Kismaayo.

‘U codee caddaalad iyo barwaaqo. Dooro mas’uul dhallin yaro ah oo daacad ah’. Ayaa mid ka mid ah boorar ay siteen ku qornaa.

‘Igu taageer matalaad dhab ah oo dadka aan matalo, barwaaqo, nabad iyo xasillooni’. Boor kale ayay sidaasi ku qorneyd.

Ololaha u diyaar garowga doorashada Soomaaliya ayaa haatan wuxuu ka socday Kismaayo muddo asbuucyo ah.