GLOBAL NEWS

Khudbaddii Khaalid Macow C/qaadir, Musharraxa Guddoomiye Ku-xigeenka 1aad


Waxaa maanta ka furmay Muqdisho fadhi Golaha Shacbigu ku dhegaysanayeen Musharraxiinta u tartamaya xilka Guddoonka Baarlamaanka, waxaana fadhigaas lagu dhegeystay khudbado tartamayaasha Jagada Guddoomiyaha iyo Guddoomiye Ku-xigeenka 1aad, oo ay dad badani u sharraxan yihiin.

Waxaan halkan hoose idiinku soo gudbinaynaa khudbaddii musharraxnimada Xildhibaan Khaalid Macow Cabdulqaadir, oo dhammaystiran:-

” Guddoomiyaha KMG Golaha Shacbiga iyo Xildhibaanada Baarlamaanka 10aad, iga guddooma salaan iyo hambalayo xilka culus ee la inoo dhaariyey, maalintii 27 December 2016.

Waxaan Eebbe ka baryayaa in uu noo fududeeyo masuuliyadda aan magaca Ilaahay ugu dhaaranay shacbiga Soomaaliyeed, si waafaqsan Dastuurka Jamhuuriyadda FS.

Xubnaha Baarlamaanka 10aad, Mudanayaal iyo Marwooyin,

Sharaf bay ii tahay in aan maanta hortiinna imaado, kuna dhawaaqo Musharraxnimada xilka Guddoomiye Ku-xigeenka 1aad ee Golaha Shacabka. Hase ahaatee, inta aanan hore u sii gelin sababaha aan u rumeysnahay in aan xilkaas si wanaagsan u gudan doono, waxaan jeclahay in aan si kooban, oo aad u urursan aan marka hore isaga warbixiyo.

Magacaygu waa Khaalid Macow Cabdulqaadir, oo ku dhashay Degmada Xamar-weyne ee magaalada Muqdisho. Iyada ayaan ku soo barbaaray, ku soo hana-qaaday, waxaana ka soo baxay Dugsiga Sare ee Raage Ugaas ee Degmada Xamar-jajab.

Intii aan weli dugsiga sare dhiganayey, waxaan si firfircoon uga qayb-qaatay hawlo dhallinyarada iyo dadweynuhu qaban jireen bilowgii hore ee Kacaanka, waana yaraa mashruuc Xamar laga fuliyey, oo aanan xilligaas iskaa Wax-u-qabso uga qaybgelin: Jidad la xaaqayo, dugsiyo la dhisayo, beero la falayo,….

Sanadihii 1973-74 waxaan ka mid ahaa dhallinyaro waxbarasho loogu diray dal hadda ka maqan Khariidadda adduunka. Waa dalkii loo yiqiin Jarmalka Bari (German Democratic Republic). Waxbarasho xagga siyaasadda, diyaarinta Kaadarka iyo culuunta bulshada ayaan ku soo qaadanay, ka dibna waxaan shaqo ka bilaaby Xafiiskii Siyaasadda Madaxtooyada Golihii Sare ee Kacaanka, muddo yar ka dibna waxaan waxbarasho Jaamacadeed u aaday dalka Talyaaniga, oo aan ka soo qalin-jebiyey Jaamacadda Urbino –Italy.

  • Takhasus Taariikhda Fanka ku sameeyey Ravenna -Italy.
  • Takhasus xagga Saxaafadda iyo Tecknolojiyada daabacaadda Jaamacadda Urbino-Italy.
  • Takhasus xagga daabacaadda iyo waxbaahinta, London College of Printing and Publishing.

Dhammaadkii 1979kii ayaan dalka ku soo noqday, waxaana shaqo ka bilaabay Waax lagu magacaabi jiray ‘Waaxda Barobagaanda’. Waxaan madax u ahaa koox farshaxan (artists) ah, oo gacanta wax ka sawira. Isla markaas, waxaan Bare-kaaliye (Assistant Lecturer) ka ahaa Kulliyadda Saxaafadda, oo markii dambena aan si toos ah ugu soo wareegay Jaamacadda Ummadda.

Waxaan ka mid ahaa Xildhibaanadii Golaha Shacabka ee ugu dambeeyey, 1985- 1990, xukuumaddii dhexe. Isla markaas, intii u dhexeysey Oktoobar 1985 ilaa Febraayo 1990, waxaa soo baxayey Wargeyskii caanka ahaa ee “Ogaal”. Kaas oo aan ka mid ahaa qorayaashiisii sare.

Sanadihii dambe, waxaan ku noolaa magaalada London, waxaana 1997kii wax ka abuuray Wargeyska Kasmo, oo aan Tifaftire Ku-xigeen ka ahaa. Waa Wargeyska markii dambe ku guuleysan doona Abaalgudka Wargeysyada London (The London Press Awards), Sannadkii 2006.

Wargeysku wuxuu 18-guuradiisii (2015) ku maamuusay soo bandhigista buug lagu magacaabo ”Xusuusta Kuwii Xabaal Galay”. Waa buug lagu xusay, looguna dabaaldegay noloshii qaar ka mid ah haldoorradii Ummadda Soomaaliyeed ee geeriyooday mudadii burburka iyo dagaalka sokeeye lagu jiray.

Xildhibaan Saado Cali Warsame, oo aad wada xusuusataan halkii ay dhagar-qabayaashu ku dileen ayaa ka mid ah dadka buuggaas ku jira. Waxaa kaloo ku jira Guddoomiyihii Baarlamaanka ee 1967-1969kii, Sheekh Mukhtaar Maxamed Xuseen, oo xarunta aan maanta ku shirsannahay ay calool-gashay, la hinddisay intii uu ahaa Guddoomiyaha Baarlamaanka, laakiin dhismaha Mashruucu hirgalay horraantii 70-naadkii.

Wareysi dheer oo Guddoomiye Sheekh Mukhtaar siiyey Wargeyska Kasmo ayaa buugga ku soo baxay, wuxuuna si faahfaahsan uga hadlayaa dilkii Madaxweyne Cabdirashiid Cali Sharmaarke, oo uu dhinac fadhiyey marka la dilayo. Wareysigaasi waa xogta ugu sugan oo laga hayo sidii loo dilay iyo daqiiqadihii ugu dambeeyey noloshii Madaxweyne Cabdirashiid Cali Sharmaarke.

Waxaa Buugga ku jira wareysi iyo qoraallo ay leeyihiin Madaxweyne Aadan Cabdulle Cusmaan iyo Ra’iisal Wasaare Cabdirisaaq Xaaji Xuseen.

Buugga Xusuusta Kuwii Xabaal Galay waxaa si weyn uga dhex muuqda noloshii iyo halgankii, halabuurkii iyo shakhsiyaddii Abwaanno, aqoonyahanno iyo Hobollo waaweyn ee ummadda Soomaaliyeed ka baxay, xilliyadii dhowaa, oo ay ka mid ahaayeen:-

– Cabdullaahi Qarshe, Xuseen Aw-faarax, – Cabdulqaadir Xirsi Yamyam, Cabdi Muxumad Amiin, Cabdulle Raage Taraawiil, Xasan Sheekh Muumin, Axmed Maxamed Kuluc, Dr Daahir Nuur Raafi, Prof Axmed Nuur Yuusuf, Faadumo Qaasim Hilowle, Cabdullaahi Macallin Dhoodaan, Yuusuf Xaaji Aden, Dr Cumar Cusmaan Raabi, Shire Jaamac Axmed, Dr Maxamed Adan Sheekh, Sahal Macalin Ciise, Cali Maliixaan, Prof Axmed Ashkir Bootaan, Xaliimo Khaliif Magool, Xuseen Sheekh Axmed Kaddare, iyo qaar kaloo badan..

Buuggu wuxuu beeninayaa maahmaahda Soomaaliyeed ee tiraahda’ “Qof dhintay, Kabihiisaa ka roon!” – waxaana qornay Aniga iyo Cabdulqaadir Shire Faarax.

Xubnaha Baarlamaanka 10aad, Mudanayaal iyo Marwooyin,

Waxaan ka kooban nahay xildhibaanno ka soo mid noqday Baarlamaankii hore, oo xog-ogaalnimo iyo waayo-aragnimo ballaaran leh, iyo xildhibaano cusub, dhallinyaro u badan. Labadooda oo la isku daray, baarlamaanka 10aad waa ka fursad fiican yahay kii 9aad, oo duruufo adag oo badani la soo darseen.

Soomaaliya waa dal dagaal sokeeye uu wiiqay, waxa ugu horreeya oo ay ku soo kaban kartana waa hey’adihii dawliga ahaa oo shaqeeya. Hey’adahaas waxaa asaas u ah Gole Shacbi oo leh Guddoon ilaaliya haybadda, Midnimada, xushmada iyo Xasaanadda Xildhibaanadiisa, si ay u gutaan hawlaha saldhigga u ah dawladnimada.

Dhinaca kale, muuqaalka uu yeesho Guddoonka Baarlamaanku, waxay saameyn ku yeelan doontaa ilaalinta Xeer-hoosaadka Baarlamaanka; Ilaalinta midnimada, anshaxa iyo xasaanadda Xildhibaanada; Hawlgelinta guddiyada kala duwan ee Baarlamaanka, iwm.

Xildhibaanada Baarlamaanka 10aad, Mudanayaal iyo Marwooyin,

Anigoo ku kalsoon waayo-aragnimadayda iyo aqoontayda. Anigoo ogsoon, fahamsan masuuliyadda weyn ee ay igu keenayso, ayaan waxaan isku soo sharraxay Guddoomiye Ku-xigeenka 1aad ee Golaha Shacbiga ee Baarlamaanka 10aad.

Haddii aad ii doorataan Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Baarlamaanka, marka laga reebo hawlmaalmeedka caadiga ah ee shaqadiisa, ay ka mid tahay in uu guddoomiyo fadhiyada Baarlamaanka, marka Guddoomiyuhu uusan fadhiyin Golaha.

Marka aan ahay Guddoomiye Ku-xigeenka 1aad, waxaan shaqadayda saldhig uga dhigi doonaa saddex jiho, oo aan u arkayo in ay halbowle u yihiin in Baarlamaanka 10aad ku guuleysto hawlaha culus ee horyaal. Waxay kala yihiin:-

Jihada Koowaad: Sarreynta Qaanuunka

  1. Ku dhaqanka iyo ilaalinta Dastuurka KMG ah.
  2. Dejinta shuruucda lagu maamulayo hey’adaha dawladda.
  3. La xisaabtanka xukuumadda iyo hey’adaha dawladda
  4. Horumarinta dhaqanka isla xisaabtanka dawladnimo
  5. La dagaallanka Musuqa iyo eexda
  6. La waayo cid ismoodda in ay ka sarreyso Qaanuunka.

Jihada Labaad: Nabadgelyada iyo Xushmada Baarlamaanka

1. Ilaalinta nabadgelyada Baarlamaanka, iyadoo laga ilaalinayo dilaaga ugu weyn ee Baarlamaannada “Corruption”. Waxay ka dhigan tahay dil baarlamaanka oo idil ku yimid, waana ognahay – fulay xantiisa ma moogee – cabsida bulshadu qabto, laga bilaabo doorashada soo fool leh ee Madaxweynaha.

2. “Iimaan Allaa uur buushee”, waxaan ku dadaali doonaa in Guddoonka aan ka mid ahay uu Baarlamaanka ku hoggaamiyo han ka sarreeya in aan duruuftaas ku dhacno.

3. Arrinta kale ee nabadgelyada Baarlamaanka waa tan ka imaanaysa dhinaca kooxaha xagjirka ah. Waxaana soo jeedin doonaa in dib u eegis lagu sameeyo nabadgelyada iyo nolosha Xildhibaanada, ay ku jirto gunno nabadgelyo, iyo guno joogitaan (Attendance Allowance) ee ka qaybgalka fadhiyada Baarlamaanka.

4. Guddoonka Baarlamaan ee aan ka mid ahay wuxuu xoojin doonaa ilaalinta Xeer-hoosaadka Baarlamaanka; ilaalinta midnimada, anshaxa iyo xasaanadda Xildhibaanada; Hawlgelinta guddiyada kala duwan ee Baarlamaanka.

5. Waxaan soo jeedin doonaa Kal-fadhi gaar u ah anshaxa iyo masuuliyadda wadareed ee inaga saaran in aan nafteenna iyo Baarlamaankaba ka ilaalinno ku milanka Musuq-maasuqa iyo gacanta ay soo fidinayaan rag xil-doon ahi.

Jihada Saddexaad: Horumarinta Baarlamaanka

  1. Dayactir iyo casriyeyn Guriga Ummadda, laguna soo celiyo sidii u ahaan jiray
  1. Dib loo dhiso Ex-xaruntii Baarlamaankii hore, iyadoo la ilaalinayo naqshaddii uu caanka ku ahaa ee asalka ahayd.
  1. Waxaan u hawlgeli doonaa in guddoonku qaado tillaabooyin lagu horumarinayo aqoonta iyo waayo-aragnimada xildhibaanka ee shaqada Baarlamaannimada
  1. Waxaan kaloo soo jeedin doonaa mashruuc lagu darsayo Baarlamaanadii hore, laga soo bilaabo Baarlamaankii ugu horreeyey oo Somali yeelato. Ujeedadu waa in Baarlamaanka loo abuuro dhaqan iyo raad-raac taariikheed: Sharciyadii ay dejiyeen, doodihii, hadal-qoraalladii, tiradii iyo magacyadii mudanayaashii xubnaha ka ahaa Baarlamaanadaas, guddiyadii iyo guddoomadii, iwm.
  1. La wareysto xubnihii ka mid ahaa Baarlamaanadaas, iyadoo laga soo bilaabayo kuwii ugu horreeyey.
  1. Waa xarun xog-kaydin, oo suurtogelisa in cilmi-baaris lagu sameeyo, ardada Jaamacadaha iyo qaanuun-yahannaduna xog u soo doontaan, daraasaad iyo qalin-jebinna lagu sameeyo.
  1. Waxaan si laab-furan u soo dhoweyn doonaa hal-abuurka, talooyinka iyo aragtiyaha xildhibaanada saaxiibaday ah ee Baarlamaanka.

Gunaanad

Qodobadaas aan soo sheegay haddii aan ka dhabeeno, waxaan aaminsan nahay in Baarlamaanka 10aad, afar sano ka dib, uu gadaal u soo fiirin doono wax qurxoon oo uu soo qabtay iyo Soomaaliya ka duwan tan ay maanta joogto.

Waxaan rumeysnahay in ayan jirin wax inaga hor-joogsan kara in aan gaarno himiladaas. Sidaas darteed, dhammaan Xildhibaannada Baarlamaanka 10aad, gabdho iyo ragba, waxaan ka codsanayaa in aad codkiina I siisaan, Doorashada Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad.

Waxaan ballan-qaadayaa in aanan ka hoos marin halka aad iga filaysaan.

I will not let you down!

Waad mahdsan tihiin

Xildhibaan Khaalid Macow C/qaadir