AF-SOOMAALI

Kheyre oo xilalkii ka qaaday Saddex Wasiir oo ka tirsanaa xukuumadda iyo Wasiirro cusub oo la magacaabay


Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xassan Cali Kheyre ayaa goor dhaw xilalkii ka qaaday Saddex wasiiro ka tirsanaa xukumadda Soomaaliya, isaga oo magacaabo Wasiirro cusub oo buuxin doona xilalka ay Banneeyeen saddexda Wasiir.

Ra’iisal wasaare kheyre ayaa xilalkii ka qaaday Wasiirkii arrimaha dibeda Yuusuf Garaad Cumar Axmed, wasiirkii arrimaha gudaha Cabdi Faarax Juxa iyo Wasiirkii Ganacsiga Marwo Khadra Axmed Ducaale.

Sidoo kale ra’iisal wasaaraha ayaa u magacaabay xilka Wasiirka arrimaha dibeda Axmed Ciise Cawad, Wasiirka arrimaha Gudaha ayaa loo magaacabay Cabdi Maxamed Sabriye, halka wasiirka Ganacsiga laga dhigay Maxamed Cabdi Xayir Maareeye.

Wareegtada Ra’iisal wasaaraha ka soo baxday ayaa u dhigneyd siddan :

Markuu Garowsaday Baahida loo qabo Magacaabidda Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha; Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dib-u-Heshiisiinta;

Waxuu magacaabay:

Qodobka 1aad – Mudane Maxamed Cadi Xayir (Maareeye), Waxaa loo magacaabay Xilka Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ee Xukuumadda JFS. Laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 04/01/2018.

Qodobka 1aad – Mudane Cabdi Maxamed Sabriye, Waxaa loo magacaabay Xilka Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dib-u-Heshiisiinta ee Xukuumadda JFS. Laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 04/01/2018.

Qodobka 2aad;

Qodobka 1aad – Danjire Axmed Ciise Cawad, Waxaa loo magacaabay Xilka Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda & Iskaashiga Caalamiga ah ee Xukuumadda JFS. Laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 04/01/2018.

Qodobka 2aad;

Wasiirada cusub ee la magacaabay waxa la farayaa in ay si deg deg ah ula wareegaan xilalkooda

Qodobka 3aad;

Magacaabiddani waxa aay dhaqan-galeysaa marka uu saxiixo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda JFS, waxaana lagu soo saarayaa Faafinta Rasmiga ah ee Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya