GLOBAL NEWS

Khasaaraha Dhimasho ee Weerraradii Muqdisho ka Dhacay Xalay oo Kordhay


Waxaa sare u kacay Khasaaraha Weerarkii isugu jiray Qaraxyada iyo Iska-horimaadka ahaa ee Xalay lagu qaaday Hotel SYL oo ku dhow xarunta Madaxtooyada Somalia ee Muqdisho, iyadoo khasaaraha Dadka ku dhintay ay marayso 30-qof, dhaawucuna uu ku dhow yahay 60-qof.

Al-shabaab ayaa sheegatay Weerarradaan oo ahaa laba Qarax oo xilliyo isku dhow dhacay iyo kooxo hubeysan oo Weerar toos ah ku qaaday Hoteelka SYL, kuwaasoo dagaal kooban la galay ilaaladii hoteelka.

Isbitaalka Madiina oo xalay la gaarsiiyay dhaawacyada 35-qof, ayaa siddeed qof oo ka mid ah ay ku Geeriyoodeen isbitaalka, sida Warbaahinta u Xaqiijiyeen Mas’uuliyiinta Isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho.

Sidoo kale, Dhismayaasha ku Bur-buray Qaraxyadan oo ku dhow Hotel SYL ee Muqdisho ayaa laga helay Maydadka lix ruux oo ku dhex-dhimatay, iyadoo tiro kalena ay dhaawacyo kala duwan kasoo gaareen

Wasiirka Amniga gudaha ee Somalia ayaa isaguna warbaahinta u sheegay in afar Askari oo ka tirsan Ciidamada Dowladda Soomaaliya ay ku Dhinteen Weerarkii Xalay, kuwaasoo uu sheegay inay ku sugnaayeen bar-koontarool oo gaarigii miineysnaa ee hore uu ku Qarxay.

Sidoo kale, sagaal qof oo shacab ah iyo Shan Al-shabaab ah oo Weerarkan qaadday ayaa la sheegay inay iyaguna ku dhinteen weerarkii xalay, inkastoo wararku ay intaas ku darayaan inay jiraan dad ku dhintay guryo ay burburiyeen qaraxyadan.

Qaraxyadaan oo ahaa kuwo xoog badan oo degmooyinka Muqdisho si aad ah looga maqlay ayaa Bur-bur ballaaran u geystay dhimayaal ku dhawaa Goobta Qaraxyadan ay ka dhaceen, iyadoo qarxyadan lagu tilmaamay kuwii ugu xajmiga weynaa ee Muqdisho ka dhaca.

Al-shabaab ayaa sheegtay inay Weerarradaan ku beegsadeen Hotel SYL oo Madaxtooyada Soomaaliya kasoo hor-jeeda, inkastoo lasoo sheegay in aysan jirin cid Waxyeello ay kusoo gaartay gudaha Hoteelka SYL, inkastoo dhaawacyo fudud ay soo gaareen dad Hoteelka ku dhex-sugnaa.

Ugu dabmeyn, Wasiirka Amniga Somalia, C/risaaq Cumar Maxamed ayaa Wuxuu sheegay in qaraxyadii xalay ka dhacay Magaalada Muqdisho ay ahaayeen kuwii ugu xoogga badnaa ee Muqdisho ka dhaca xilliyadan, isla marakana xajmiga waxyaabaha qarxa ee Weerarkaan uu ahaa 200-KG.