AF-SOOMAALI

Khalid Macow C/qaadir oo loo doortay xubin Aqalka Hoose ee Barlamaanka


Khalid Macow cabdulqadir ayaa ku guulaystay xubin nimada Aqalak Hoose ee Barlamaanka Soomaaliya, doorashadii ka dhacday maanta Gobolka Banaadir.

Khaalid Macow waa aqoonyahan waayo aragnimo durugsan leh kana socda jaaliyadda Soomaalida ee Uk, isaga oo ku noolaa muddo dheer magaalada London.

Wuxuu ku dhashay, wax ku soo bartay, kuna soo barbaaray magaala madaxda Muqdisho, isaga oo goob joog u ahaa dhacdooyinkii dalku soo maray 40kii sano ee u dambaysay.

Wuxuu markii u horreysay, horraantii 70meeyadii ka soo galay arrimaha bulshada, Degmada Xamar Weyne, wuxuuna xilligii xukuumaddii Kacaanka ka mid ahaa, dhallinyaro lagu soo diyaariyay dalkii Jarmalka Bari, hawl wadeenna ka noqday Xafiiskii siyaasadda.

Ka dibna wuxuu waxbarasho Jaamacadeed u aaday dalka Talyaaniga, wuxuuna,markii uu soo noqday,dhammaadkii 70meeyadii, bare ka noqday Kulliyaddii Saxaafadda Jaamacadda Ummadda ee Muqdisho.

Khaalid wuxuu ka soo mid noqday xildhibaannadii Golaha Shacabka ee xukuumaddii dhexe ee Soomaaliya, wuxuuna ka mid ahaa qorayaashii sare ee wargayskii Xisbiga ee Ogaal, oo xiisaha gaarka ah u lahaa dadweynaha.

Kaas oo ka soo bixi jiray Jimce kasta magaalada Muqdisho, intii u dhexaysay sanaddadii 1985 ilaa 1990kii, ka hor intii uusan joogsan, wax yar ka hor, dagaalladii sokeeye ee dalka ka qarxay.

Muddadii dambe wuxuu wax ka asaasay, sannadkii 1997kii, wargayska Kasmo ee hadda London ka soo baxa, isaga oo ka noqday ku xigeenka tifaftiraha guud iyo qoraa sare, wuxuuna wax ka qoray buuggii” Xusuusta kuwii xabaal galay” ee lagu soo bandhigay London, 29kii Nofembar 2015kii.

Buuggaas oo lagu soo beegay xuska 18 guuradii asaaska Wargayska Kasmo waxaa lagu ururiyay, si jiilka soo kacaya u ogaadaan, haldoorkii Ummadda Soomaaliyeed ee kala duwanaa ee geriyooday intii lagu jiray burburka iyo dagaallada sokeeye.

Bahda ALLBAJUNI.COM waxay mudane Khaalid Macow u diraayaan hambalyo , taageero iyo bogaadin . Waxayna u rajaynayaan in uu ku guulaysto gudashada xilkiisan cusub, waxayna leeyihiin HAMBALYO!