GLOBAL NEWS

KENYA oo soo Bandhigtay Muqaallada Dad ku ay sheegtay inay maleegayeen Weerarro Argagaxiso


Hay’adaha Amniga dalka Kenya ayaa sooo bandhigay magacyada iyo sawirrada 11-qof oo lagu eedeeyay inay maleegayeen Weerarro Argagixiso oo laga geysto gudaha dalka Kenya.

Eedeysanayaashan ayay dowladda Kenya sheegeen inay yihiin kuwo hubeysan oo khatar ku ah amniga dalkeeda, iyadoo xustay inay horay uga qayb-qaateen weerarkii deegaanka Mpeketoni ka dhacay sannadkii hore.

Warbaahinta waddanka Kenya soo xiganayay saraakiisha amniga ayaa sheegay inay raggan maleegayeen weerarro argagaxiso inay ka geystaan Kenya, gaar ahaan marka uu sannadkan dhammaadka yahay iyo weliba sannadka soo socda horraantiisa.

Dhanka kale, shacabka dalka Kenya ayaa loogu baaqay in laamaha amaanka ay ku war-geliyaan haddii ay raggan arkaan, macluumaad haday ka hayaan ama ay og-yihiin halka ay ku sugan yihiin.

C/fataax Abuubakar Cabdi oo ka mid ah raggan magacyadooda iyo sawirkooda lasoo bandhigay ayaa la sheegay inuu yahay Somali, kaasoo horay looga soo musaafuriyay dalka Kenya.

Ugu dambeyn, ma ahan markii ugu horreysay oo dowladda Kenya ay soo ban-dhigto magacyada iyo sawirrada rag ay sheegtay inay yihiiin kuwo dalkeeda ka geysanaya weerarro argagax ah.