AF-SOOMAALI

Kenya oo sameysatay khad Tareen casri ah oo isku xiraya magaalooyinka Nairobi & Mombasa


Khad tareen ka mid ah mashaariicda ugu waaweyn ee laga hirgaliyey dalalka ku yaalla Bariga Afrika ayaa laga dhisay dalka Kenya.

Tareenkan oo ah mid casri ah ayaa isku xiraya magaalooyinka Nairobi iyo Mombasa, waxaana la soo gebagebeeyey dhismaha khadkan wejigiisa koowaad, iyadoo Madaxweyne Kenyatta uu xariga ka jarayo maanta.

Tareenkan casriga ahi wuxuu safarkiisii koowaad ugu ambabixi doonaa caasimadda dalkaas ee Nairobi, waxaana aad loo adkeeyey nabad gelyada magaalada Mombasa iyo degaannada ku hareeraysan.

Waxaa khadkan dhismihiisa hirgelisay shirkad laga leeyahay dalka Shiinaha, waxaana ku baxday malaayiin dollar oo laga soo amaahday isla dalkaas.

Wejiga labaad ee dhismaha khadkan tareen ayaa la bilaabi doonaa dhowaan, kaasoo dherersan magaalada Nairobi illaa dalka Ugandha, iyadoo ujeedadu tahay in lagu xoojiyo ganacsiga labada dhinac.

Mashruucan ayaa noqonaya kii ugu weynaa ee ay sameyso dowlada Madaxweyne Kenyatta, wuxuuna ku soo aadaya xili dhowaan dowladaha Itoobiya iyo Jabuuti ay sameysteen khad tareen casri ah oo isku xiraya magaalooyinka Jabuuti iyo Addis ababa.