AF-SOOMAALI

Kenya oo ku guuleysatay kursiga Golaha Amniga ee UN


Kenya ayaa ku guuleysatay kursiga Golaha Amniga ee UN kadib markii ay ku garaacday Jabuuti wareega labaad ee codeynta oo dhacday Khamiistii maanta.

Tartankii u dhexeeyey Kenya iyo Jabuuti ayaa u gudbay wareegii labaad ee codeynta maanta, kadib markii wajiga koowaad guushii Nairobi aysan ku filneyn in ay ku guuleysato kursiga Qaramada Midoobay.

Markii 191 kamid ah 193 dal ay codeeyeen, Kenya waxay ka heshay 129 cod, halka Jabuuti ay ka heshay 62 cod.

Tallaabadan waxay ka dhigan tahay in Nairobi, laga bilaabo Janaayo 2021, ay ka noqoto xubin awood badan ku lahaan doonta UN. India, Mexico, Ireland iyo Norway ayaa maalintii arbacada sidoo kale helay kursigan.

Kursigaan wuxuu kaloo Kenya ka saacidayaa inay ku lug yeelato go’aamada cunaqabataynta, oggolaanshaha adeegsiga xoogga si loo ilaaliyo nabadda iyo sidoo kale xulashada garsoorayaasha Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda. Iyada oo kaashaneysa shanta xubnood ee joogtada ah ee leh awoodda diidmada qayaxan (Russia, UK, US, China iyo France).

Kenya waxay ku biiri doontaa sagaal xubnood oo kale oo aan joogto ahayn waxayna heli kartaa fursad ay ku maamusho fadhiyada Golaha, oo ah fursad saameyn ku leh ajendaha golaha.

Sida ku xusan Xeerka Nidaamka Golaha Guud, murashaxiinta doonaya kursi aan joogto ahayn Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay waa inay helaan ugu yaraan saddex meelood labo meel dalalka codeeya. 192 dal ayaa codkooda dhiibtay taasoo la micno ah in guuleysteyaashu ay helaan ugu yaraan 127 cod ama in ka badan si loogu dhawaaqo inay guuleysteen.

Goobjoogayaasha ayaa sheegay in tartanka Jabuuti ee ka dhanka ah Kenya uu khatar gelin karo xiriirka wada shaqeynta ee ka dhexeeya labada dowladood.

“Xaqiiqda in laba dal oo ka socda urur goboleedka IGAD ay u tartamayaan kursi xubin aan joogto ahayn oo ka tirsan UNSC waxay tilmaan u tahay kala qaybsanaanta qotada dheer ee u dhexeysa dalalka xubnaha ka ah urur-hoosaadka IGAD. Mustafa Y Ali,” oo ah Gudoomiyaha Machadka Caalamiga ah ee Daraasaadka Istiraatiijiyadda ayaa yidhi.”