GLOBAL NEWS

Kenya oo darbi ka dhisaysa xadka Soomaaliya


BBC

Dawladda Kenya ayaa ku dhawaaqday qorshe ay darbi uga dhisayso xadka ay la wadaagto Soomaaliya.

Wasiirka ammaanka gudaha Joseph Nkaisery, ayaa sheegay in arrintaasi ay ka hortagi doonto weerarada al-shabaab.

Waxa uu sheegay in dhismuhu uu bilaaban doono todobaadka soo socda lagana dhisi doono inta u dhaxaysa Mandheera iyo magaalada Baladxaawo ee dalka Soomaaliya.

Waxaa jira walaac laga qabo in darbigaasi uusan ammaanka waxba ka taraynin isla markaasna uu si xun u saamayn doono ganacsiga