GLOBAL NEWS

Kalfadhigii 7-aad e barlamaanka Soomaaliya o maanta furmay


Waxaa maanta furmaya kal-fadhigii 7-aad ee golaha baarlamaanka Soomaaliya, iyadoo madaxweynaha Somalia uu furayo sida sharciga uu qabo, waxaana la adkeeyay dhammaan waddooyinka soo gala iyo kuwa ka baxa xarunta baarlamaanka Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa lagu wadaa inuu ka jeediyay khudbad gaar ah oo uu kaga hadlayo howlaha horyaalla xukuumadda iyo baarlamaanka muddada yar ee ka harsan xilligooda shaqo.

Xukuumadda Somalia ayaa dadaal weyn ugu jirta sidii ay doorasho uga qaban lahayd dalka marka la gaaro dabayaaqada 2016-ka, inkastoo aan weli la ogeyn qaabka ay doorashadaas u dhici doonto, madaama ay horay hay’adaha dastuuriga ah ee dalka u sheegeen inaysan dhici karin doorasho Qof iyo Cod ah.

Ciidanka AMISOM iyo kuwa dowladda Somalia oo wata gaadiidka dagaalka ayaa amniga si aad ah u xoojiyay, iyadoo dadka iyo gaadiidka loo diidayo inay u soo dhawaadaan dhimasha baarlamaanka Somalia.

Guddoomiyaha baarlamaanka Somaila, Maxamed Cismaan Jawaari ayaa war uu soo saaray xalay ku sheegay in kal-fadhiga toddobaad ee baarlamaanka uu furmi doono maanta oo Axad ah.